Dagaal xalay ka dhacay duleedka magaalada Marka.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ayaa sheegaya in xalay duleedka magaaladaasi uu dagaal culus ku dhexmaray Ciidamada Mujaahidiinta Wilaayada Sh/Hoose iyo ciidamada Afrikaanka ah ee difaacaya maamulka DF iyadoona dagaalkaasi uu khasaare geystay.
Dagaalka ayaa ka dhacay dagaan lagu magacaabo Bilaal oo inta badan ay Afrikaantu ka difaacaan magaalada Marka, waxaana uu soconayay dagaalkaasi muddo ka badan saacad sida ay sheegayaan saraakiisha Mujaahidinta.
Daryanka madaafiicda iyo hugunka rasaasta ayaa si weyn looga maqlayay gudaha magaalada Marka iyadoona dagaalka oo markii hore madaafiic ku billowday ay keentay cadowguna si aan loo meel dayin inuu isaga rido madaafiicda goobta.
Ku dhawaad 8 askari ayaa lagu dilay dagaalka oo qaar ka mid ah meydadkooda la arkay, waxaana Mujaahidiintu ay sheegeen in dagaalkii xalay uu kaga duwanaa kuwii hore iyadoo ay ka qeybgaleen guutooyinka madaafiicda iyo kuwa Jugta culus.
Cadowga Ilaahey ee soo galay deegaanada Wilaayaadka dalka ayaa marna si nabadgelyo ah ugu hurdin goobaha ay joogaan, waxaana lagu ugaarsadaa weeraro joogto ah oo isugu jira duulaanada habeenkii iyo kamiinada maalinta.

Suubbane
said:
|
jilliin dhannaba kama jiro, ee laba jid unbaa qofba mid uun uu hayaa !!! Sida ku cad nasuusta Alle , bakhtiga iyo xantuba ma bannaana sida caadiga ah, Noloshana Khaaliqii dhiseyba jilliin uguma tala galin sidaa darteed Jilliin cidna ma hayso , ee labada jid ee kaliya ee Ilaahey jannada iyo cadaabka u kala sameeyey ayaa qofba uu mid uun hayaa , kuwa dagaalka ku jira , kuwa bannaanka ka jooga , kuwa kitaabka u dagaalamaya run iyo been midey ka noqotaba iyo kuwa aan kitaab-ba aan soo hadal qaadin siyaasad iyo waxay doonaan ba ha sheegtaane , iyo , iyo ...... iyo adiga suuban ah iyo aniga , labadaas jid unbaa lagu wada idil hayey cidna jid saddexaad ma hayso mana heli karto , ee BARAARUG . oo Rabbigaa uga baq inaan XANTA daliil ka dhigato , asalkeeduba xaaraanta yahey. |

