Beesha Sade: Bayaan ku aadan xaaladda Kismaayo.

Written by gobal on .

Shabakadda SomaliMeMo ayaa heshay bayaan ka soo baxay odayaasha dhaqanka beesha Sade kaas oo ku aadan xaaladda magaalada Kismaayo ee xarunta Wilaayada Jubbooyinka.


Bayaankan oo ka soo baxay odayaal dhaqameedyada beeshaas ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in go’aanadan ay gaareen ka dib kulamo iyo wadatashiyo ay la yeesheen waxgaradka, siyaasiyiinta iyo saraakiisha beeshaasi ee ku sugan magaalada Kismaayo.


Bayaanka ayaa u qornaa sidatan:-


Beesha Sade waxey ka mid tahay beelaha xaqqa weyn ku leh deegaanada Jubbada Hoose, Gedo iyo Jubbada Dhexe, waxeyna beeshu xiriir walaaltinimo la wadaagtaa qabiillada kale ee dagaanka.


Waxey beeshu ka sugeysay dawladda Federaalka marka ay timaado magaalada Kismaayo in xiriirka ka dhexeeya uu noqon doono mid ku dhisan qaranimo iyo wanaag, balse ma filaneyn inuu noqonayo mid ku dhisan qabyaalad iyo kooxeysi.


Beesha Sade waxey indhaha ku heysay xadgudubyo joogto ah oo lagula kacay waxgaradkeeda ku sugan magaalada Kismaayo, xadgudubyadaas oo isugu jira dil iyo dhaawac ayaa dadkii loo geystay waxaa ka mid ahaa:-


1-Nabadoon Ismaaciil Qalinle oo lagu weeraray,  laguna dilay xaafadda Guulwade.


2-Daahir Shire Salaad oo lagu jirdilay Saldhigga magaalada.


3-Ina Sheekh Cali Geeldoon  oo lagu weeraray xaafadda Iskufilan.


4-Nabadoon Aadan Dheere oo lagu weeraray gurigiisa agagaarka Hotel Tawakal, lana jirdilay wiil yar oo lagu qabtay guriga kaas oo hadda ku jira cusbitaalka magaalada Kismaayo.


Haddaba markii aan la tashanay masuuliyiinta beesha ku abtirsada ee ku jira dawladda, kuwaas oo ku sugan Kismaayo iyo banaankeeda waxaan isla aragnay arrimaha soo socda:-


1-Beesha Sade waxey la kulmeysaa barakicin qorsheysan iyo weerar gardarro ah oo kaga imaanaya hal koox oo qafaal ku heysata maamulka.


2-Dawladda Kenya oo aan moodeynay daris ka damqaday mashaakilka gobolka ayaa sabab u ah dhibaateynta loo geysanayo dadkeena.


4-Dawladda Federaalka waxey ku guuldareysatay in ay badbaadiso dadkeena ku nool Jubbooyinka.


5-Siyaasiyiinta, saraakiisha iyo masuuliyiinta beesha waxey dareemayaan in Kenya loo gacan geliyay talada gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, oo hal koox oo qabiil ah ay awood adeegsaneyso.


Sidaas darteed waxaan go’aansanay arrimahan:-


1-Weerar danbe oo lagu soo qaado  waxgaradka beesha waxaan ka xignaa is difaac.


2-Qof kasta oo beesha ku abtirsada ha joogo Kismaayo ama meel kale waxaan u direynaa dhawaaq gurmad iyo is difaac xaq ah.


3-Hubka ay leedahay beesha lama qaadan karo, mana loo diiwaan gelin karo hub sharci darro ah.


Mahadsanidiin.


Comments (1)add comment

Qardho_boy said:

Maamul
Mareexaan Xaqdhowr buu naga mudnaa
ASC waan ka xumahay in qabiilka mareexaan oo halgan iyo gobanimo caan ku ah maanta ladhibaateeyo lkn waxaas waxaa geysanaya waa maxmagarato cadawga kenya dabada ku wadata.

Jubbooyinka waa lawada degaa ma ahan in axmed madoobe reerkan xasuuqo axmed madoobe ma metelo qabiil haddiiba meesha uusan maamul islaami ah oolin boowayaal mareexaanow xaqiina raadsada ayaan idin leeyahay
January 09, 2013

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy