Dhageyso:Faroole Oo Walaac Ka Muujinaya Baraarujinta Bulshada Ee Idaacadda Islaamiga Al-Furqaan
Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa ku dhawaaqay in uu waqti dheeri ah ku darsaday xukunka kadib xaflad ballaaran oo uu xalay ku qabsaday magaalada Boosaaso.
Faroole ayaa jeediyay khodbad dheer oo arrimo badan taabanaysa ayaa soo hadal qaaday dowrka ay baraarujinta shacabka ku leeyihiin warbaahinada Islaamiga isagoona muujiyay walaac daran.
Wuxuu sheegay in mucaaradka maamulkiisa ay xariir laleeyihiin Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo uu isagu u yaqaan Argagaxiso caalami ah,Faroole ayaa qiray in ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay habeenno ka hore weerar ku qaadeen Hoteel ay ku sugnaayeen wasiirro maamulkiisa katirsan oo Boosaaso ku yaalla.
"Al Shabaabka Argagaxisada ah ciidamadeena ayay kula dagaalameen duleedka Hotelka Boosaasana xabado ku tuurtuureen"ayuu yiri Faroole.
Faroole ayaa Idaacadda Islaamiga Alfurqaan ku Eedeeyay in ay masaaxo Iclaami ah siiyay Dadka isaga mucaaradsan isagoona u muuqday in uu ka xunyahay kaalinta ay heyso warbaahinta Islaamiga ah.
"waxaan aad uga xumahay in Nin Mucaaradka katirsan oo aad u dood badan uu ka hadlay Idaacadda Alfurqaan Ee Shabaabkuna ka hadlo"ayuu hadalkiisa sii raaciyay Faroole.
"Taliyaani ayaan anigu waxku bartaye Nin walba ninka uu lafalgalo ayuu raacsanyahay oo uu Idaacadda lawadaago,Alshabaab iyo kuwa Mucaaradka sheeganaya Alfurqaan bay isla wadaagaan"Faroole.
Idaacadda Islaamiga Alfurqaan ayaa kamid ah warbaahinta xaqiiqda soo tebisa waxayna dhowr habeen wareysatay siyaasiyiin uu kamid yahay Cabdi Raxmaan Gablax arrinkaasi oo Faroole ka careysiiyay.
Halkan ka dhagayso Qeyb kamid ah Khudbadda Faroole MP3

cabdulqadir
said:
|
ninkaan waa nin ash'haadada ladirar waaye marka waxaan kabarayaa he in ay ku dhigaan mujagidiinta gacn tooda ninkaan waa nin ash'haadada ladirar waaye marka waxaan kabarayaa he in ay ku dhigaan mujagidiinta gacn tooda |

