Ciidanka AMISOM Oo Deegaanka Warmaxan Faarujiyay
Kadib dagaallo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacayay deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha hoose ayay ciidamada shisheeye bilaabeen in ay dib uga gurtaan qeyb katirsan shabeelaha Hoose.
Wararka ka imaanaya deegaanka Warmaxan ayaa sheegaya in halkaasi ay faarujiyeen ciidamada shisheeye ee AMISOM isku magacaabay kadib dhaq dhaqaaq iyaga ka dhan ah oo ay dareemeen duleedka Warmaxan.
Sheekh Max’med Abuu Cabdalla Waaliga shabeelaha Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka AMISOM dib uga gurteen Warmaxan islamarkaana ay ciidaanka muslimiintu kulaalayaan deegaankaasi.
Warmaxan ayaa dhacda bartanka wadada laamiga ah ee isku xirta Afgooye iyo Balidoogle oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidanka shisheeye waxaana dhor mar ka dhacay dagaallo ay muslimiintu kusoo qaadeen Afrikaantii halkaasi ku sugneed.
SomaliMeMo24.com,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it