Cabdi Fataax Geesey Oo Xilkii Uu Hayay Laga Xayuubiyay iyo Dagaallo ka dhacay Goof Guduud.

Written by Maamul on .

somalimemo.netSaraakiisha ciidamada Xabashida Itoobiya ee xoogga ku jooga magaalada Baydhabo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Cabdi Fitaax Geesey oo muddo sanada ah ku magacaawnaa gudoomiyaha gobalka Bay.


Ilo wareedyo laga helay Baydhabo ayaa sheegaya in Geesey uu waayay xilkii uu u hayay amxaarada,wararka qaar ayaa sheegaya in taliyaha ciidanka Itoobiya ee Bay iyo Bakool uu mas’uuliyiinta DF-ka ee ku sugan Muqdisho kala hadlay in labedelo Geesey kadibna gudoomiyaha baarlamanka Jawaari uu warqad xilka qaadis ah soo saaray arrinkaasi oo ka xanaajisay Cabdi Fataax Geesey oo Reer Baydhabo u yaqaanan “Cabdi Amxaar”.



Geesey oo saaka lahadlay idaacadda VOA-da ayaa ku gacan seyray xilka qaadista lagu sameeyay wuxuuna sheegay in aan xilka laga qaadi Karin maadaama uu muddo sanada ah xilkaasi dartiis uu Amxaarada ula joogay Doolow.


Dhinaca kale ciidamada XSHM ayaa xalay dagaal weerar culus ku qaaday tuulada Goof Guduud Mannaas ee duleedka magaalada Baydhabo, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaasta iyo madaafiic.


Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay,habeen hore ayay aheyd markii ay dagaallo culus ka dhaceen deegaanka Daynuunaay iyo gudaha magaalada Baydhabo.



SomaliMeMo24.com,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Comments (1)add comment

Faraduub said:

0
...
KKK KKK KKK SIDAAS AYAA UDANBAYNAYSA NINKII GAALO RAACA ILAAHOW NASUG
February 05, 2013

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy