Xasan Gurguurte oo difaacay in dawladdiisu aaney NGO aheyn.
Madaxweynaha maamulka DF-ta Xasan Sheekh oo ku magac dheer Gurguurte ayaa difaacay maamulkiisa oo maalmihii u danbeeyay loo jeedinayay eedeymo ah wali in ay ku shaqeeyaan caqliyaddii ay ku shaqeysan jireen waqtigii ay qeybta ka ahaayeen ururada aan xukuumiga aheyn ee loogu yeero “NGOs-yada”.
Su’aalo adag oo lagu weydiiyay barnaamij lagu magacaabo ‘NewsDay’ oo ka baxa Idaacadda Ingiriisku leeyahay ee BBC-da ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha ku aadan ineysa u bisleyn xubnaha maamulkiisa hogaaminta maamulka DF-ta iyo khibrad la’aantooda.
Xasan Gurguurte ayaa ku jawaabay in ay heystaan khibrad ku filan isla markaana ay u qalmaan iney hogaamiyaan waxa uu ugu yeeray dawlad soo kaceysa oo u baahan Isfahan wanaagsan inuu dhexmaro iyaga iyo Caalamka.
Xasan Gurguurte iyo R/Wasaarihiisa Shirdoon iyo inta ugu badan xubnaha kale ee maamulkooda ayaa gadaal ka soo gaaray siyaasadda Soomaaliya waxaana ay ku eedeeyaan siyaasiyiinta mucaaradka ku ah in aysan aqoon u laheyn la mucaamilka xaaladaha dalka aysana aheyn dad samatabixin kara maamulka taagta daran ee magansanaya cududa shisheeyaha.
Dawladaha reer galbeedka ee dhoodhoobay maamulkan ayaa ka noogay siyaasiyiintii hore oo isugu jiray dagaal oogayaal, wadaad xumayaal iyo burcad dhiigya-cabyo ahaa, balse waxaa la isweydiinayaa dad u bartay dhaadhaca laga helo hey’adaha NGOs-yada ma u babac dhigi karaan taxaddiga heysta maamulka DF-ta.
SomaliMeMo24.com,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Wiil Muqdisho
said:
|
... nInkan jaasuuska ah waa khaa'in waa in layska qabtaa shariif biijo isagaa ka daran |
sh muxamed
said:
|
... yaahu iska ooya xassan shiekh jir oo joog cadowgaana hakaa hooseeyo waa madaxweyne si wanagsan oo cad loosoo doortay una qalma inuu hogamiyo umada 22yrs halaga kusoo jirtay hadana khawarijtu dhibeyso |
Faraduub
said:
|
... Qofka sh. Muxamed sheganaya waxana kuhadlaya waxan kulenahay sheikh nimada hacebayn kha'inyow ado kale ayaa ummada rogaye |
Khadab dheere
said:
|
... To:sh.muxamed waxan ku shegaya sheekh munafiqiinta inaad tahay marka nin asagaba munafaq ah siduu dad muwaxid ah khawarij ugu tilmama wlh waa wax qariib ah !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! |
xaqa-dhowr
said:
|
... Asc walaalayaal waxan idin xasusin lahaa in aflagaada la iska daayo, sida shurrucda ku cad |
Abuu cumar
said:
|
... Waawareey murtadkaan muxuu cadowtooyo weyn u qabaa muslimiinta,shariif biijo kanaaba ka daran. Murtadkaan waa in aan si dag daga u qabanaa |

