Dawladda Faransiiska oo ku dhawaaqday in ciidankeeda ay kala baxeyso dalka Maali.

Written by gobal on .

somalimemo.netDawladda Faransiiska oo ka baqeysa cawaaqib xumida ka soo gaari karta duulaanka ay ku qaadeen dalka Maali ayaa maanta ku dhawaaqday in bisha soo socota ee March ay si buuxda ciidamadeeda ugala bixi doonto dalka Maali.


Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska oo hadalkan ku dhawaaqay ayaa cadeeyay billowga bisha March si rasmi ah iney ciidamada Faransiisku dib ugu soo laaban doonaan dalkooda ka dib markii ay soo afjareen waxa uu ugu yeeray “Howlgalladii waaweynaa”.


Dawladaha reer galbeedka oo ugu horeeyo Mareykanka ayaa dhawaan ka digayay waqtiga joogitaanka ciidamada Faransiiska oo dheeraada taas oo keeni karta sida ay ku andacoodeen dagaalka oo sii dheeraada.


Ciidamada Faransiiska ayaa galay inta badan magaalooyinka woqooyiga Maali iyagoona meesha ka saaray ku dhaqanka Shareecada Islaamka balse Mujaahidiinta Maali ayaa iclaamiyay in dagaal daba dheeraada ay la galayaan cadowga taas oo keentay in ay bilaabaan dagaal jabhadeyn ah ayna faarujiyaan magaalooyinka.


Inkastoo markii hore laga digayay in Faransiisku uu waqti badan joogo dalka Maali hadane waxaa markan laga cabsi qabaa sida ugu dhaqsiyaha badan in Mujaahidiinta Maali ay dib ugu soo laabtaan deegaanadii ay xeeladda Milatari uga baxeen marka ay faarujiyaan ciidanka Faransiiska.



SomaliMeMo24.com,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Comments (5)add comment

Faraduub said:

0
...
Allahu akbar gaalo way jabtay qofkii wax moodayow
February 06, 2013

Faraduub said:

0
...
Kkkkk kkk kkkkkk ma intaas ayay ka ahayd adiga iyo diyaarada hagaba allah ayaa kasareya NAJIZZ
February 06, 2013

Ardada macalin adan said:

0
...
Allahu akbar gal walbo afghanistan ayu cashar kaqatay
February 06, 2013

Muslim Xag Jir Ah said:

0
...
****Allahu akbar******* waxaan leeyahay Gaalo kuuma ogola inaad ku dhaqantid diinta iyo shareecada Islaamka ah waxayna rabaan inaad diintooda qaadatid
Xaqaa markasta sareyn Baadilkana wuu Hooseyn ************Allahu Akbar*********Walcisatu Lilaah******
February 06, 2013

Axmed muslim said:

0
...
Alaahu galo wayjabe in sha,alah mujahidintana hasabran mel kastoy jogan
February 07, 2013

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy