Suldaan Garye Oo Bayaaniyay Duulaanada Lagu Qaaday Dalalka Muslimiinta Qaaradda Afrika iyo Kaalinta Jabuuti Ku Leedahay Gumeysiga Soomaaliya (Dhageyso).
Gumeystaha madoow ee duulaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya ayaa la ogaaday in ay gadaal kasoo riixayaan dowlado Caddaan ah oo doonaya in ay kheyraatka Soomaaliya gacanta ku dhigaan.
Faransiiska ayaa maali ku duulay isagoo garabsanaya calooshood u shaqeystayaal Afrikaan ah kuwaasi oo uu caloosha u buusha isagoo sidii Eey oo kale ugu adeeganaya.
Suldaan Garyare oo kamid ah qorayaasha Soomaaliyeed ayaa sheegaya in dowladaha reer galbeedka ay Soomaaliya u adeegsanayaan dowlado calooshood u shaqeystayaal ah si ay uga hortagaan Nabad gelyada lagu helay shareecada Islaamka ee Koonfurta Soomaaliya ka hana qaaday.
Garyare wuxuu is dul taag ku sameeyay sida axmaqnimada leh oo ay dowladda Jabuuti qeyb uga tahay duulaanka ay dowladda Itoobiya ku qaaday Soomaaliya.
Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ayaa gumeysi ku haya shacabka magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan talaabadaasi oo taariikhda baal mugdi ah uga gelaysa shacabka Jabuuti.
“Ismaaciil Cumar Geelle Waa Jaasuus Cadaw ah,Jabuuti iyo Addis Ababa Maanta Waxaa khatar badan Jabuuti”ayuu yiri Suldaan Garyare.
Halkan ka dhagayso Wareysiga Garyare MP3
ama ku dhagayso Flash Player
![]()
SomaliMeMo24.com,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

kherre
said:
|
... asc walalayaal waan idin mahad celinyaa sida aad diinta alle difaaceeda aad ugu taagan tihiin lkin yaysan noqon mid lagu qaraabto qoraaga waxaan ku tuhmayaa kheyr badan inkastoo aan ka sabray in aan u nuglado shaqsi ama koox lkin wan tageerayaa inta uu kheyr sheegayo haddii u ka leexdo wadada toosan ee alle nagu hanuniye inbadan ayaan maqaalo ama qoraalo akhritay raggii qorayay aan ku arkay gacan bidxeen runtii waxaa aad u jeclaa walaalkeen abdiwaxid khaliif lkin waan arkay inuu sii siibanaayo marka hanalaga fiirsho dadka raadinaayo magaca iyo sumcada mahadsanidinn |
Wiil Muqdisho
said:
|
... asc waxaan salamaayaa Garyare waxaan ku leeyahay jazakalaahu kheyran waxa aad kahadashay waa wax jira oo manta afrikaanta waxaa caloosho usoo buuxinaya tuugo doonaya in ay islaamka ku gumaadaan wayse iska dhammaan doontaa insha'allaah |
Bosaso_boy
said:
|
... Waa Nin Waxgaradka ah Garyare diinta islaamka waxka yaqaan gumeysi diid ah waxaan ogaa xiligii amxaaradu muqdisho qabsatay wuxuu kamid ahaa dadkii ugu muuqday ee qurba joogta ahaa ee gumeysiga xabashida diiday welina waa suganyahay kuwa isaga lamid ahaa ayaa tanaasulay oo cadawga la shaqeynaya |

