General Samatar ”Dulligan looma Adkeysan Karo Shacabka Puntland Waa in ay Kacaan Oo ay Xoriyadoodii Soo Ceshtaan,Waa in lagu daydaa Kacdoonadii Carabta” (Dhageyso).
Siyaasiyiinta deegaanada Puntland ee gobolada Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa cambaareeyay dadka shalay lagu rasaaseeyay magaalada Qardho ee gobolka Nugaal.
General Cabdullaahi Saciid Samatar oo guddoomiye u ah golaha samata bixinta Puntland ayaa ku eedeeyay maleeshiyaad taabacsan Faroole in ay mas’uul ka ahaayeen dhibaateynta shacabka.
“Shacab weynaha Puntland waxaan ka codsaneynaa in ay si degdeg ah xoriyadooda usoo ceshtaan waxaan looma adkeysan karo,culimaa’udiinka iyo cuqaasha waxaa looga baahanyahay in ay Puntland badbaadiyaan..dulli iyo mooryaanimo looma adkeysan karo”ayuu yiri Samatar.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu dhibaatada Puntland kajirta lameel dhigay kacdoonadii ka dhacay Liibiya,Suuriya,Masar iyo Tuunis wuxuuna ugu baaqay shacabka in ay xoriyad u dhintaan.
Halkan Ka Dhageyso General Samatar Oo Kacdoon Ku Baaqaya MP3
ama ku dhagayso Flash Player
![]()
SomaliMeMo24.com,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Nin yaaban
said:
|
... waa sax in lala dagaalamo maamulka ridada PL laakin samatar intee ku tirinaa????? |

