Dagaal Saacado Qataay Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Xudur.

Written by Maamul on .

somalimemo.netCiidamada muslimiinta Soomaaliya ayaa dagaal culus gobolka Bakool kula galay kuwa gumeysiga Itoobiya ee duulaanka kusoo qaaday wilaayaatka islaamiga ah.


Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Xudur ayaa sheegaya in dagaal saacado qaatay uu maanta duhurkii dhaxmaray labada ciidan ee muslimiinta iyo kuwa Xabashida Itoobiya.


Wariye Ibraahim Isxaaq oo ku sugan Gobolada Bay iyo Bakool ayaa soo sheegay in gaari dagaal laga gubay Itoobiyaanka islamarkaana ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo cadawga shisheeye soo gaaray.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya 7 Askari looga dilay tuulada Teed oo 30 KM ujirta degmada Xudur,dagaalka ayaa markii hore ku bilaawday kamiin ay dhigeen ciidanka muslimiinta balse markii dambe ayuu ballaartay.


Ciidamada Itoobiya ee laweeraray ayaa isku dayayay in ay saad ciidan gaarsiiyaan kuwa kale ee ku sugan degmada Xudur,saraakiil katirsan ciidanka muslimiinta ayaa sheegay in dagaalkaasi jiro wixii khasaara ahna dib kasoo sheegi doonaan.


Lasoco Wixii soo kordha


Comments (1)add comment

ali said:

0
...
salamu calaykum fadlan u sheega walaalaha reer amiir nuur in ay sawerka aadan siiro ee ku jira websidekooda ee kaga hadlayaan khudbadii aadan sune oo aay sawer ah aadan siiro ku sheegayeen in uu yahay aadan sune fadlan ha la bedelo jzkAllaahu khayran
February 06, 2013

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy