Madaxii Soomaali Kirishtaanka Kenya Oo Lagu Dilay Magaalada Gaarisa iyo Xaalad Kacsanaan ah Oo Magaaladaasi Ka Jirta Faah Faahin.
Faah faahin dheraad ah ayaa kasoo baxaysa toogasho maanta ka dhacday magaalada Gaarisa ee Kenya xoogga uga heysato shacabka Soomaaliya.
Wararka nagasoo gaaraya magaalada Gaarisa ee dhulka Soomaalida Kenya gumeysato ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay gudaha magaaladaasi ku dileen laba qof oo Kenyaan ah mid kamid ahna uu madax u ahaa Soomaalida Kirishtaanka naqatay.
Wariyaal ayaa soo sheegay in dadka ladilay uu kamid yahay Nin caan ahaa oo shacabka Gaarisa u bixiyeen “Weli-gaal”,ilo wareedyo ay SomaliMeMo heshay ayaa sheegaya in Weli-Gaal uu heystay qeyb kamid ah dadka Kirishtaamoobay ee Soomaalida Gaarisa ah.
Sidoo kale sedax qof oo mid kamida uu darawal ahaa Ragga ladilay ayaa ku dhaawacmay weerarkii maanta Gaarisa ka dhacay.
Xaaladda ayaa kacsan waxaana qeybo kamid ah Gaarisa isku fidiyay ciidanka Booliska balse uma suurta gelin in ay gacanta kusoo dhigaan xoogagii weerarka geystay.
Dilkan dharaar cad ka dhacay Gaarisa ayaa muujinaya ammaanka dalka Kenya faraha kasii baxayo waxaana muuqata in xukuumadda Kenya ay guranayso wixii ay kadhaxashay duulaanka ay kusoo qaadday Soomaaliya.
SomalimemoNews.com

Lixle
said:
|
... Haladilo. Wan kufarxay dilka Wali gaal, ninki dilay gaalkaas IlAHAY janada hauwasiciyo. Bakhtigisu qudhmunaa Maanta. NaArta jahanama u aroor |

