AMISOM Oo Gaari Looga Gubay Qarax Muqdisho Ka Dhacay.
Qarax khasaara dhaliyay ayaa maanta magaalada Muqdisho lagula eegtay kolonyo katirsan ciidamada shisheeye ee xoogga jooga magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.
Goob joogayaal ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay ay la kacday gaari Taaw ah oo marayay agagaarka isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Gaariga laqarxiyay oo qeyb ka ahaa kolonyo kasoo baxday xerada Villa Baydhabo ayaa kusii jeeday dhanka degmada Afgooye oo ay ku suganyihiin ciidanka shisheeye.
Ilo wareedyo laga helay goobta wax ka dhaceen ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac uu cadawga kasoo gaaray qaraxii maanta,goob joogayaal ayaa sheegay in gaari Ambalaas ah oo ay leeyihiin AMISOM ay dhaawacyo geeyeen xerada Xalane oo saldhig weyn u ah Afrikaanta Muqdisho ku sugan.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii qarax sidaan oo kale AMISOM loogula beegsaday Jaalle Siyaad lagu dilay Askari katirsan ciidanka Burundi.
SomaliMeMo24.com,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


