Sheekh Xasan Yacquub Oo Ka Hadlay Horumarka Dhanka Waxbarasha ah Ee Ka Jira Gobolka Galguduud (Dhageyso Wareysi).

Written by Maamul on .

somalimemo.netWilaayada Islaamiga Galguduud ayaa kordhisay dadaalada ay kula dagaalamayso Jahliga ka jira qeybo kamid ah deegaanada wilaayada Galgudud ee dhacda bartamaha dalka Soomaaliya.


Sheekh Xasan Yacquub Waaliga wilaayada oo warbaahinta islaamiga lahadlay ayaa sheegay in macaahid waxbarasho ay wilaayado ka furteen degmooyinka wilaayada sida degmada Galcad oo laga hirgeliyay machad weyn oo ay Wax ku bartaan ardayda degmadaasi.


Wuxuu soo hadal qaaday in kaashi heer sare ah oo dadka waxlagu barayo uu ka dhaxeeyo wilaayada iyo qabaa’ilada,sidoo kale waaliga ayaa soo hadal qaaday socdaal ay dhawaan degmooyinka Guriceel iyo Caabud Waaq ku tageen xildhibaanno katirsan DF-ka wuxuuna sheegay in aysan waxba soo kordhin doonin.


Halkan ka dhageyso Wareysiga lala yeeshay Sheekh Xasan Yacquub MP3.

ama ku dhagayso Flash Player



SomaliMeMo24.com,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Comments (1)add comment

Runsheeg said:

0
...
Asc salam kadıb waxan rabaa inan halkaan kasheego arrinta waxbarashada gobalka iyo macahıdda lasheegayo ın lafuray, anigu waxan ahay shaksi reer g.guduud ah weliba kasojeeda qeybaha ey kataliyan mujahıdıinta, waxan ognahay ınuu burburay gebı ahanba iskuulkı tuuladeena o eysan jırin imika wax waxbarasha ah o halkaası kasocda da'yar badanna waxbarasha la'aan darteed mıyıga xoolaha kuraacaan ,warka waxa kujırtay ın machaddo laga furay qeyba kamıd ah gobalka anaga o waqtı hora codsanayna cıdına dheg jalaq noomasıının taa mıyaan ladhihi karin wa cadaalad darro muuqata o cad, hadda wexey ahaataba waxan markale&markale kacodsaneyna maamulka mujaahıdıınta ın il gaar ah lagu eego dugsıga tuuladeenna maadama uu burburay waxbarashana eysan kajırın imika????
February 07, 2013

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy