Sheikh Shible: "Usamah Binladin waa Jaajuus u shaqeeya Maraykanka" Shible oo madaxda Mujaahidiinta ku tilmaamay in yihiin Jawaasiis (Dhageyso)

Written by Administrator on .

Ka dib muxaadaradii qiimaha badnayd ee uu so jeediyey Sh Abu Yaasir Al Maqdashiy Xafidahullaah, ee ciwaankeedu ahaa “Muujinta Been Abuuradyadii muuqday iyo kuwii qarsoonaa ee Sheekh Umal iyo Shibile” ayaa waxay muxaadaradaasi aduunka ugu faaftay si xawli ah oo ka deg degsiimo badan sida ay u faafaan muxaadaraadka cusubi.

 

Muxaadaradaan oo ahayd muxaadaro cilmiyeysan oo si aad ah looga soo shaqeeyey ayaa Afkii juuqda gabisay labadii wadaad ee ku been abuurtay Sheikh Xasan Maxamud Takar xafidahullaah.


Ka dib markii ay muxaadaradu si aan la filayn u faaftay, ayaa qaar ka mid ah inamada yar yar ee weesada u qaada labada sheikh waxay isku dayeen in ay daldalool ka raadiyaan muxaadarada, laakiin Hayhaat !! oo miyaad awooddaa in gacantaada aad ku bur burin kartid Sakhro ama dhagax weyn oo meel yaala !!!


Hadaba aniga oo aanan u jawaabayn inanka yare ee miskiinka ah ee kaliya lasoo booday wixii lasoo dhiibay aan dib ugu noqdo tuducda sheekada, aniguna aan u dhiibo inanka wixii laga qariyey in loo soo dhiibo.


Dhuuxa sheekadu waa aflagaadada iyo cayda baahsan ee uu wadaadka lagu magacaabo Shibile u geystay Sheikh Usamah Binladin Raximahullaah.


Waxaan shaki ku jirin in Sheikh Usamah Binladin uu ahaa Shakhsi aad u qiimo badan, dadka muslimiinta ahina ay jeclaayeen meel kasta oo ay joogaanba, Sheikh Usamah waxaa lagu yaqaanay in uu ahaa nin naftiisa iyo maalkiisaba u huray sidii ay kor u ahaan lahayd kalimadda Allaah.


Culimo iyo caamaba waxay isla qireen in uu ahaa nin Sheikh ah oo diinta wax ka yaqaan, nin nolosha aduunka ka tagay oo doortay nolosha aakhiro, nin ka tagay ku hoyashada Hotelada waaweyn ee ugu raaxada badan aduunka, oo doortay in uu ku nagaado oo ku noolaado dhufaysyada hore ee dagaalka iyo meelaha ay Sawaariikhdu ka dhacayso.


Maal aad u fara badan oo uu aabihiis ka dhaxlay dhammaantiis waxa uu ku bixiyey Jihaadka ka socda Caalamka, waxa uu noqday nin ay ku hirtaan inta jecel in Khilaafada Islaamku ay soo noqoto.


Shacabka Soomaaliyeed marka aan eegno waa shacab jecel Sheikh Usamah Binladin, dhankooda Sheikha lagama soo mari karo, waxaana ay aaminsan yihiin in Sheikh Usamah Binladin uu islaamka wax weyn u qabtay.


Sheikh Usamah waxa uu ahaa Amiirka urur weynaha Jihaadka Caalamka ee Al Qaacidah, waxana uu mas’uul ka ahaa Sheikhu ururka Al Qacidah meel kasta oo uu aduunka ka joogo.

 

Ugu dambayntii Sheikh Usamah Binladin xilli habeen ah oo saq-dhexe ah ayey gaalada Maraykanku oo aad u tiro badan, dhowr diyaaradoodna watay waxa ay weerar kusoo qaadeen gurigii uu ku noolaa Sheikh Usamah Binladin, Sheikhu isma dhiibin mana jixaanjixin Allaah ayuu talo saartay waxana uu iska difaacay cadowgii gaalada ahaa ee soo weeraray illaa uu Allaah qadaray in uu oofsado, Xaasaskii iyo caruurtii Sheikh Usamah Binladin ayaa illaa iyo hadda ku jira gacanta cadowga, waxaan Allaah uga baryeynaa in uu kasoo saaro.


Halkaan ka Dhageyso Cadaynta Cayda iyo Aflagaadada Shible ee Sheikh USAMAH BINLADIN

Waxaa isku soo dubariday SomaliMeMo


Hadaba Muxuu Maxamuud Shible ka aaminsan yahay Sheikh Usamah Binladin xafidahullaah???

Inta aanan Su’aashaas ka jawaabin, marka hore waxaan aad uga xumahay ugana cudur daaranayaa in aan meel uga wada hadlo Sheikh Usamah Binladin Xafidahullaah iyo Maxamud Shible. Laakiin waan ku khasbanahayoo duruufta ayaa igu khasbaysa.


Maxamud Shible waa wadaad qurba joog ah, noloshiisa inta badana ku dhamaystay ku noolaanshaha wadan gaalo, loolanka xiligaan u dhaxeeya xaqqa iyo baadilka wax badan kalama socdo, tiiyoo oo uu aamainsan yahay in uuba khabiir ku yahay Jamaacaadka Islaamiga ah iyo loolanka ay ku jiraan.


Marka aan dhankaas ka eego waxaan oran karaa wadaadka Shible ah waxa uu ku sugan yahay waxa loo yaqaano “Jahlul Murakkab” oo ah Jahliga liita ee ah midka weyn, maxaa yeelay asaga oo aan aqoon u lahayn sheyga uu ka hadlayo ayuu aaminsan yahay in uu aqoonteeda leeyahay, arinkaasna inshaa Allaah waxaan keeni doonaa tusaalooyin muuqda.


Shible marka uu hadlayo waxa uu aaminsan yahay dadka uu la hadlayo in ay yihiin dad caamo ah oo wax magarato ah oo aan waxa uu ka hadlayo cilmigeeda lahayn, sidaas daraadeed arinkaasi waxay ku kaliftaa in uu sheego wax aan jirin maadaama uu aaminsan yahay in aan looga daba imaanayn oo aysan dadku waxaba garanayn.


Waan Sheegi Doonaaaa….!!!!

Kalimaddaasi waxay u tahay Halhays,,, inta badan waxa uu yiraahdaa waxaas ayaan hayaa oo keeni doonaa, qofkii dib ugu laabta kalimaadkiisa waxa uu kasoo helayaa marar badan oo arin yaab leh inta uu sheego in uu yiraahdo “Waan Sheegi doonaa” ka dibna uusan dib dambe u xusin shaygaas, goormaad keenaysaa oo aad sheegaysaa Shiblow? Goormaan sugnaa oo aad keeni doontaa waxa aad mar walbaa balan qaadid.


Ducomentes ayaan hayaa!!!

Waxaan hayaa qoraalo iyo Ducoments waana keeni doonaa, waa dhaqankiisa, waa dhaqanka uu ku beerlaxowsado maatada, tii ugu darnayd ee uu sheegay in uu hayo waxay ahayd Faylalka Jawaasiista u shaqeeya FBI, CIA, KGB iyo MI6.


Kuwaasi waa Mukhaabaraadka dalalka waaweyn ee dunida, sida Maraykanka, Ruushka iyo Ingiriiska, bal aan su’aal ku weydiiyee Shibloow marar badan ayaad sheegtay in aad rag madax ah oo mujaahidiinta ka mid ah aad haysid faylalkooda FBI. CIA iyo KGB sidaan codkaaga hadda ku baahin doonee, Hadaba sidee ku heshay Faylalkaas?? Yaa kuu keenay?? Goormaad Heshay? Ujeedada laguugu keenay maxay ahayd??? Goormaadse na tusi doontaa oo aad faafin doontaa ilayn waan keenayaa ayaad nagu daalisaye? !!.


Sheikh Takar ayaan cod ka duubay ayuu yiri anaga oo wada hadlayna, waan keeni doonnaa.

Sheikh Usamah Binladin waa Jaajuus, Waan keeni doonnaa,

Sheikh Abu Zubeyr waa Jaajuus, waan keeni doonaa,

Waxaan hayaa warqad uu qoray Dr Ayman Al Dawaahiri oo uu Sheikh Usamah ku tilmaamayo Jaajuus, waan keeni doonaa,


Halkaan ka dhageyso mid ka mid ah kuwa uu Shible sheegay in uu keeni doono, waxay ku saabsan tahay Maxamed Rabiic, waa Sheikhii Xerta Rabiiciyada oo uu Shible Gaalaysiiyey, waxana uu sheegayaa Shible in uu Maxamed Rabiic uu asal ahaan ahaa Gaaal oo uusan weligiis muslimin una sujuudi jiray Shaydaan, tolow Shbile ma Takfiiri ayuu noqday, sidaa u gaalaysiinayaa Sheikh xer leh oo Asha-haadanaya oo tukanaya!!!!, bal GUJI Halkaan


Shible: Usamah Binladin Waa Jaajuus!!

Hadaan ka Jawaabo Su’aashii ahayd Shible muxuu ka aaminsan yahay Sheikh Usamah Binladin, waxaan leeyahay, Shible wuxuu ka aaminsan yahay in uu Sheikh Usama Binladin uu ahaa jaajuus ama camiil u shaqeeya Maraykanka, Jaajuus u shaqeeya dowladda Sucuudiga.

 

Shible Muxaadaro uu ku qabtay Magaalada Gaarisa waxa uu ku sheegay muxaadaradiisa in " Sheikh Ayman Al Dawaahiri uu yiri Sheikh Usamah Binladin waa Camiil u shaqeeya Sucuudiga" Dhageyso

 

Marka hore waxaan leeyahay waa Been abuur uu Shible ku sameeyey Sheikh Ayman Al Dawaahiri, Shible waxaan ka rabnaa in uu noo cadeeyo Qoraalka uu sheegey in Dr Ayman Al Dawaahiri uu ku sheegay Sheikh Usamah Binladin in uu ahaa Jaajuus!!!

 

Soo naqlinta uu Shible soo naqliyey hadalkaas uu u tiiriyey Sheikh Dr Ayman Al Dawaahiri, ee aan waxba ka jirin waxa uu u daliishanayey in Sheikh Usamah Binladin uu ahaa Jaajuus.


Arinkaas waa been abuur uu Shible ku sameeyey Sheikh Usamah Binladin Raximahullaah, waa hadal khatartiisa leh, Allaah ugama uusan baqin Shible hadalkaas foosha xun, Sheikh Usamah waxa uu ahaa "most wanted" qofka ugu horeeya ee ay Gaalada aduunka iyo dabadhilifyadoodu doon doonayeen, Shible waxa uu leeyahay Sheikh Usamah diyaaraddii ka qaaday Suudaan ee ka dajisay Jalaalabaad jawaab halaga Bixiyo,


Waxaan arinkaas ka leeyahay: Shibloow hadaad dabagal ku haysay Sheikh Usamah Binladin oo ay shaqadaadu ahayd in aad soo ogaatid dhaq-dhaqaaqi Sheikh Usamah waxaan ku leeyahay Allaah ayaa adiga iyo inta kula midka ah ka indha saabay shiikha, Shibloow gaalada aduunka ugu waaweyn ayaa Balaayiin doolar ku bixisay si ay usoo ogaadaan dhaqdhaqaaqa madaxda mujaahidiinta, marka laga soo tago xifdinta Allaah, madaxda Mujaahidiintu waxay qaateen Asbaab kasta oo ay kaga feejignaan karaan indhaha adiga iyo kuwa noocaaga oo kale ah.


Shible ma ogaan kartid mana suuroobayso in aad ogaatid dhaq-dhaqaaqa madaxda mujaahidiinta, marka hadii aad middaas ku fashilantay waa kuu gar in aad tiraahdid halaga soo jawaabo meesha uu Sheikh Usamah Binladin maray!! maxaa yeelay nooca shaqadaada ayaa sidaas ah, oo yaa kaaga jawaabaya oo kusiinaya macluumaadka ku saabsan dhaq-dhaqaaqa mujaahidiinta.


Sheikh Usamah Binladin ayaa arinka caynkaas oo kale ah ka hadlaya, hadalkiisana waxaad ka dhageysan kartaa codka la socda Maqaalkaan.


Sheikh Usamah Binladin ayaa ugua digaya Mujaahidiinta in ay ku mashquulaan in ay iska difaacaan hadalada uga imaanaya cadowga banaanka iyo midka gudaha, waxa uu Sheikhu leeyahay howsha aan ku jirno yaanan uga mashquulin ka jawaabidda waxa cadowgu nagu sheegayo iyo beenta uu naga samaynayo.

 

Shible: Usamah waa nin Caami ah oo aan diinta waxba ka aqoonin

Shible waxa uu ku tilmaamay Sheikh Usamah Binladin in uu yahay nin caami ah oo aan diinta Islaamka wax badan ka aqoonin, uuna ahaa nin magac u yaal ah oo aan waxba gacanta ku haynin. Dhageyso


Arintani waa Been abuurka Shible, Sheikh Usamah Binladin Allaah ha u naxariistee waxa uu ahaa nin Allaah uu ku mannaystay Aqoon diimeed iyo fahamka nusuusta kitaabka iyo Sunnada, waxa uu ahaa caalin cilmigiisii ku daray camal, waxana uu ahaa Allaah ha u naxariistee nin cabqari ku ah culuumta sharciga ah.


Sheikh Ibnu Cutheymiin oo ka hadlaya Manzilada Sheikh Usamah Binladin iyo aqoonta cilmiga ah ee uu leeyahay ka dhagayso codka la socda Maqaalkaan.


Shible iyo Umal markii ay difaacayeen raggii khaa'iniinta ahaa ee gatay Soomaaligalbeed waxa ay yiraahdeen raggaasi waa culimo ayaga ayaana naga og masiirka dhulkaas, waa rag wax kala garanaya, ayaga ayaa miizaami kara xalka Soomaali Galbeed, qof banaanka jooga waxba kama dhihi karo arinta Soomaaligalbeed, Ibraahiim dheere iyo raggiisu waa culimo shareecada Islaamka wax ka yaqaana oo qiimayn kara waaqicooda, halka Mujaahidiinta Soomaaliya ka dagaalamaysa ay yihiin caamo, Sheikh Umal mar wax laga weydiiyey Arimaha Soomaaliya waxa uu yiri "Waa Jihaad aysan hogaaminayn culimo, Culimo hogaaminaysana kuma ogi Ibraahiim dheere iyo ragiisu waa Culumo ragga Soomaaliya ka dagaalamayana waa Caamo, kaaga sii darane Sheikh Usamah Binladin waa Caammo halka Ibraahiim dheere uu yahay Caalim ku xeel dheer culuumta Sharciga ah.

Halkaan ka Dhegeyso Hadalka Sheikh Umal


Sheikh Axmed Cabdi "Abu Zubeyr", Sh Xasan Daahir Aweys, Sheikh Abu Bakar Al Zeylici, Sheikh Nuur Macalin C/Raxmaan, Sheikh Fu'aad Maxamed Khalaf, Sheikh Mukhtaar roobow "Abu Mansuur", Sheikh Macalin Burhaan, Sheikh Cali Dheere, Sheikh C/llaahi Raabi, Shekh C/Qaadir Mu'min, Sheikh Jaamac C/salaan, Sheikh C/llaahi Cali Xaashi, Sh Xasan Maxamuud Takar, Sheikh Abu Yaasir Al Maqdashy, Sheikh Abu Jabal, Sheikh Abu Cabdalla, Sheikh Kabakutukade iyo culimo badan oo aanan magacyadooda halkaan kusoo koobi karin, iyo dhammaan culimadii ka qayb gashay shirkii culimada ee Baydhabo, intaas oo dhan Sheikh Umal iyo Shible waxay u yaqaanaan in ay yihiin caamo aan cilmi lahayn, Arinkaasi waa Kibir iyo Isla weyni, maxaa yeelay Rasuulka SCW ayaa Kibirka ku sheegay in uu yahay Xaqqa oo la diido iyo Dadka oo la xaqiro.


Shible: Al Qaacidah waa Takfiiriyiin Asalalku uga jiro Inxiraaf

Shible waxa uu ku tilmaamay ururka Al Qaacidah ee Sheikh Usamah hogaaminayey in uu yahay urur Takfiiri ah, asal ahaana uu Inxiraaf ku jiro, Shilbe waxa uu sheegay in ururka Al Qaacidah amaba Mujaahidiintu ay dadkii muslimiinta ahaa qixiyeen, laayeen, mustaqbalna u diideen. Dhageyso


Arinkaani waa mid ka mid ah Been abuuradii Shible, Mujaahidiintu cid aan Allaah gaalaysiin ma gaalaysiiyaan, waxay gaalaysiiyaan qofkii la yimaada wax burinaya Iimaankiisa, diintana banaanka uga saaraya, Caqiiqada Mujaahidiintu waxa ay ku salaysan tahay wasadiyada Ahlu Sunnah wal Jamaacan, Qof muslim ah kuma gaalaysiiyaan dambiyada Kabaa'irta ah, sida Khawaarijta, sidoo kale qof la yimid shay burinaya Islaamnimada hadii shuudii ku dhamaystiranto, mawaanicdiina laga waayo kuma hayaan Islaamnimda sida Murji'ada oo kale.

 

Mujaahidiintu waxay u taagan yihiin difaaca diinta iyo dadka Muslimiinta ah, waxay u dagaalamayaan siday u xorayn lahaayeen Masjidul Aqsaa, waxay u taagan yihiin difaaca dhulalka muslmiinta, Hadaba sidee ayey Mujaahidiintu u gaalaysiiyaan dadka ay difaacooda daraatiis ay qoriga u qaateen.


Jariidadaha AL-HAYAAT, AL SHARQUL AWSAT IYO AL ARABIYA.net.

Shible Aqoon durugsan uma lahan ururka Al Qaacidah, sidoo kale aqoon uma lahan Mujaahidiinta Caalamka iyo Xarakaadka Islaamiga ah, waxaad arkasaa marar badan asaga oo khaldaya magaca mid ka mid ah madaxda Mujaahidiinta, macluumaadka uu urukaas ka hayo waxa uu kasoo qaataa saddexda joornaal ee aan kor ku xusay, waa Al hayaat, Al Sharqul Awsat iyo Al Arabiya.net, inbadan oo aan dabagal ku sameeyey aqoonta uu Shible u leeyahay Mujaahidiinta waxaa ii soo baxday in uu joornaaladaas waxa ay ka qoreen Mujaahidiinta uu sidoodii u qaatay,


Saddexda joornaalba waa cadowga mujaahidiinta, labada hore waxay kasoo baxaan magaalada London cariga Ingiriiska, midka dambe ee ah Al Arabiya.net saldhigeedu waa magaalada Dubai dalka UAE, saddexdaba waxaa iska leh oo kharash gareeya dowladda “Sucuudiga” oo qof kastaa uu garan karo cadaawadda ay u qabto muhaahidiinta gaar ahaan Sheikh Usamah Binladin.


Macluumaadka khaldan ee ay Joornaaladaasi ka qoraan Mujaahidiinta ayuu Shible Soomaaliyeeyaa kadibna ku hadaaqaa asaga oo iska dhigaya in uu umadda usoo gudbinayo macluumaadka ku aadan Mujaahidiinta Caalamka.


Aqoon la’aanta Shible:

  • Shible mar uu ka hadlayey Sh Sayid Imaam Shariif ayuu ku tilmaamay in uu yahay Muftiga Mujaahidiinta caalamka, waa Been arinkaani , Sayid Imaam Shariif-na waligiis ma noqon Muftiga Mujaahidiinta caalamka, Mujaahidiintuna waligood kuma tilmaamin in uu yahay Muftiga Mujaahidiinta caalamka iyo Al Qaacidah toonna. Shible Arinkaan waxa uu kasoo qaatay al-Arabiya.net iyo sharqul awsat, waana arin uu mawaaqicdaas kasoo naqliyey.


  • Shible waxa uu sheegay in Sayid Imaam Shariif uu qoray Dustuurka Al Qaacidah ama Mujaahidiinta, Arinkaan waa Been sida qoraxda u cad, Sayid Imaam Shariif ma qorin Dustuur ay Al Qaacidah leedahay, Shible ayaan ka rabnaa Dustuurka Al Qaacidah ee qoran ee uu sheegay qofkii doonaba ha qoree in uu noo sheego, Arinkaas waxa uu kasoo qaatay Al Arabiya.net oo arinkaan samaysatay cid uga horaysayna aysan jirin.


  • Shible mar uu ka hadlayey Jamaacooyinka Islaamiga ah ee Masar waxa uu sheegay in Sayid Imaam Shariif uu mar noqday Amiirka Al Jamaacaah Islamiyah Al Musallaxah, Marka hore waxaan is weydiinaynaa dalka Masar maka jirtay ama maka jirtaaba Jamaaco magaceeda la yiraahdo Al Jamaacaah Islaamiyah Al Musallaxah?. Shible waxa uu ku khalday ulana jeedaa Al Jamaacah Al Islaamiyah, magaca inta dambe Jamaacadaasi lama bixin, arinkaasna aqoon la'aan ayaa Shible u geysay, hadda ka hor ayaa qaar ka mid ah Qoraayaasha oo magaca Jamaacada Sidaan oo kale u qoray ayey Jamaacadu ka hadashay in magaceeda uusan ku jirin faqrada dambe ee ah Al Musallaxah, hadaad eegtid mowqicah ay Jamaacadu ku leedahay internetka iyo sidoo kale Bayaanaadkooda waxaa ku qoran sida saxda ah oo ah Al Jamaacan Al islaamiyah fii Misr. Shible waxaa iskaga khaldamay Jamaacaadka Islaamiga ah ee ku kala nool Masar iyo Jazaa'ir.Waxaan weydiinayaa Shible in uu noo sheego xiliga uu Sayid Imaam Shariif uu noqday Amiirka Al Jamaacah Al Islaamiyah ee Masar.


  • Shible mar uu ka hadlayey laba kitaab oo uu qoray Sayid Imaam Shariif, labada kitaab-ba magacyadooda wuu khalday, arinkaasina waxa ay ku tusinaysaa in uusan aqoon durugsan u lahayn waxa uu ku hadlayo, horay ayaana loo yiri; hadii qofku uu ka hadlo wax aan Fannigiisa ahayn qaraa’ib ayuu la yimaadaa.


Bal Dhageyso Shible oo sheegaya magacyada Kitaabta.


Kitaabka hore waxa uu ku sheegayaa sida aad maqasheen “Dalabul Cilmi Shariif”

Kitaabka dambena waxa uu ku sheegayaa “Al-Cuddah fii icdaadil Cuddah”

Hadaba ma jiraan kutub magacyadaas leh in uu qoray Sayid Imaam Shariif??? Jawaabtu waa MAYA, horaan u iri Shible waxa uu galay wax uusan cilmigeeda lahayn, waxa uu ula jeedaa kutubta kala ah “AL JAAMIC fii Dalabil Cilmi Al Shariiiif” iyo Kitaabka kale ee ah “Al CUMDAH Fii Icdaadil Cuddah” u fiirso farqiga u dhaxeeya magacyada uu ku sheegay asagu iyo kutubta magacyadooda saxda ah.

 


Waxaan kusoo gabagabaynayaa Qoraalkayagan: Ma awoodi karo in aan ka wada jawaabo hadalada qalafsan iyo cayda iyo aflagaada uu tuur tuurayao Shible ee ku sugan maqdacyadaan yar yar ee aan soo xigtay, waxaanse kusoo meerinayaa qoraalkayga hadal uu qoray wiilka yarka ah ee loo soo dhiibay cajal uu duubay Shible oo uu ka barri yeelayo in Shible uu Jaajuus ku tilmaamay Sheikh Usamah Binladin, Wiilka waxaa ka muuqata aqoon darri, waxase uu u egyahay in ay la weyntahay in ninka uu difaacayo ee Shible ah uu Sheikh Usamah ku tilmaamo Jaajuus!! Walciyaadu Billaah.


Wiilku waxa uu qoray sidaan: "Muxaadaro jawaab u ah axaadiis lagu qabsaday Sh. Xassan Takar ayaa mar uu ka jawaabaya isaga iyo wadaad kale oo magaciisa ku sheegay Abu Yasir Al Muqdishi ayaa waxaa muxaadarada dhexdeeda lagu sheegay in Sheekh Shible uu leeyahay Sheekh Binladen baa Jaasuus Sacuudiga u shaqeeya taas na waa been cad iyo buhtaan ay ka sameeyeen Sheekh Maxamuud Shible, Wax lala yaabo maaha qolo ka dhigatay diin been iyo buhtaan iyo in ay been ka sameeyaan Culimada Soomaaliyeed"

 

Hadaba waxaan ku leeyahay inanka yar, ha noqonin mid u dooda khaa'imiinta, haday kaa dhab tahay in aad difaacaysay xaqqa, sow hadda kuuma cadaanin in Shiikhaagu ku tilmaamay Jaajuus iyo Camiil Sheikh Usamah Binladin, hadal ka cad miyaad rabtay hadalka ah Jawaab halaga Bixiyo Diyaaraddii Sheikh Usamah ka qaaday Suudaan oo ka Dajisay Jalalabaad ???? Allaah ka cabso hana u doodin kuwa gardarada sameeyo oo dadku Dulmiya.

 

Dooddu waxay ka dhex taagan tahay Sheikh Usamah Binladin oo Shahiiday oo aan u aaminsanahay in uu ahaa Imaamkii Mujaddidka ahaa ee Casrigaan iyo Maxamuud Shible oo sidaan horay usoo sheegay cumrigiisa intiisii badnayd ku dhamaystay dhul gaalo illaa iyo haddana ku nool dhul gaalo, shaqana ka dhigtay wax kasheegga Mujaahidiinta u taagan difaaca Diinta iyo Dalka.

 

Halkaan ka Dhageyso Cadaynta Cayda iyo Aflagaadada Shible ee Sheikh USAMAH BINLADIN

 

 

Abu Muscab Al Madani