Khilaaf Soo Kala Dhaxgalay Beesha Habar Gidir Taran iyo Sh.Sheekh Axmed.

Written by Maamul on .

amiirnuur.comKhilaaf Xoogan ayaa soo kala dhaxgalay qaar katirsan beelaha wada dega magaalada Muqdisho iyo DKMG ah oo maganta u ah ciidamada shisheeye.


Odayaal u Hadlay Beesha Habar Gidir ayaa Madaxweynaha DKMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamuud Tarzan gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku Eedeeyay in Naas nuujin u sameynayaan Hal Beel oo Waqooyiga Muqdisho degta.

Shir Jaraa'id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen Waxgarad sheegtay in ay Metelaan Habar Gidir ayay ku sheegeen in beeshooda lagu tuntay xaqqii ay ku lahayd DKMG ah!.

Nin lagu magacaabo Maxamed Dhaqane oo u hadlay beesha Habar Gidir ayaa ku tilmaamay hogaanka DKMG ah mid qabiil, "Beesha Habar Gidir waxay cadaalad darro ka tabanaysaa DKMG ah gaar ahaan gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Shariif Sheekh Axmed, dhaqaalaha soo gala dowladda waxaa lasiiyaa Hal beel oo kaliya Haddii aysan maalmaha soo socda wax isbedelin Beeshu Mowqif ayay ka qaadan doontaa Dowladda"ayuu yiri Oday u hadlay Beesha Habar Gidir.

Tarzan iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhismooyin ka weday deegaanada dhaca waqooyiga Muqdisho arrintaasi oo ka careysiisay Odayaasha beelaha kale ee DKMG ah taageersan.

Gacan ku heynta magaalada Muqdisho ayay beelahani muddo 15 sana ah ku loolamayeen waxaana markii dambe soo Afjaray colaaddii u dhaxaysay Maxkamadihii Islaamka balse markii cadawgu kusoo duulay magaalada ayay beelahani Gorodda isgeliyeen.

Shareecada Islaamka ayaa ah midda kaliya ee lagu xalin karo colaadaha beelaha waxaana muuqanaysa iyo madaxa Kooxda Riddada Somaaliya ay dib usoo celinayaan dhaqamadii horay looga gudbay ee Quracnaa.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy