Kenya oo Askar Looga Dilay Magaalada Gaarisa.
Khasaara Xoogan ayaa ciidanka Kenya kasoo gaaray weerar xoogan oo xalay ay ku qaadeen xoogag Hubeysan bartamaha magaalada Gaarisa ee dhulka Somaalida lagumeysto.
Sarkaal u hadlay Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in Askari laga dilay tira kalane dhaawacyo soo gaareen kadib markii xoogaga Hubeysan ay rasaas huwiyeen goob isku imaatin ah oo ay ciidanka Booliska ku sugnaayeen.
Dowladda Kenya waxay muujisay walaaca ballaaran oo ay ka qabto weerarada nuucaan ah ee uga yimaad xoogaga Hubeysan ee Ilaa iyo hadda aan isisoo shaac bixin.
Ciidamada Kirishtanka Kenya ayaa Bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay duulaan kusoo qaaday wilaayaadka Gedo iyo Jubbada Hoose ee Dalka Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar lagu qaado magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Kenya, qaraxyo iyo dilal qorshaysan ayaa horay uga dhacay magaaladaasi Gaarisa.


