Gurmad gaaraya 30 Gaadiidka dagaalka ah ciidamo mutadawiciin ah oo ka dhaqaaqay Bay iyo Bakool iyo Sheekh Mahad oo Xaalad Dagaal Iclaamiyay (Dhageyso).

Written by Maamul on .

Xaalad Istinfaar ah ayaa looga dhawaaqay wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool oo duulaan ay kusoo yihiin ciidamada gumeysiga Itoobiya ee cadaawadda uqaba shacabka Soomaalida.



Wararka nagasoo gaaraya magaalooyinka Bay iyo Bakool ayaa xaqiijinaya in Ciidankii Ugu badnaa ee Mujaahidiinta iyo Dad Mutadawiciin ah ay maanta u dhaqaaqeen dhanka Luuq Halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan Mujaahidiinta iyo cadawga Itoobiya.



Magaalooyinka Baydhabo, Xudur, Buurhakaba, Ufurow, Qansax dheere, Ceelbarde, Diinsoor iyo Waajid waxaa maanta ka amba baxay Tobaneeyo gaadiidka dagaalka ah iyo boqolaal ciidamo ah waxayna qabteen furinta dagaalka.

 



Bandhig XSHM Waqti Hore/Keyd SomaliMeMo



Waaliga Bay iyo Bakool ayaa Kumanaan Shacab ah kula hadlay magaalada Baydhabo isagoona Iclaamiyay in Xaalad Istinfaar ah lagalay.



Sheekh Mahad Cabdi Kariim waaliga Bay iyo Bakool ayaa shacabka kula dardaarmay in ay jiidda dagaalka wada aadaan, dhalinyaro iyo Dad mutadawiciin ah ayaa iyana horay usii raacan ciidanka Mujaahidiinta.



Wariye Cali Yare oo katirsan Idaacadda Andalus Baydhabo ayaa soo sheegay in Bay iyo Bakool looga diyaar garoobay dagaal Itoobiya lala galo.



HALKAAN GUJI Dhageyso Ciidanka Baxay oo Takbiirsanaya iyo Waaliga Bay iyo Bakool.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy