Ururuka "Al-Axzaab" oo Maanifeestadooda ku Dhisay Waxyaalo laga soo kala Qaatay Sh. Maxamed C/Wahaab, Xasan At-Turaabi, iyo Mustafa Kamaal Ataa Turki!
Ilaah baa mahad leh. Ammaan iyo Salaan Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato: See ku dhici kartaa in mabaadii laga soo kala qaatay sheekh Maxamed C/Wahaab (AUN), Xasan At-Turaabi iyo Mustafaha Ataa Turki uu xisbi ku dhiso qoraal-doorashadiisa uu ku dagaal gelayo?! Soomaalidu waxay tiraahdaa: waxaas ma aqaan qofkii yiraahda cimrigeeduusan gaarin! Reer Xamarkii oran jiray: cimrigaaga dheeraada geel dhalaya buu ku tusaa baa qaarkood arkeen "kangaroo dhalaya" ileyn Soomaali baa orod ku tagtay Australia!
Haddaan taariikhda dib u milicsanno waatii Mustafa Ataa Turki ay soo balleeyeen oo soo saareen reer Galbeedku. Waxaa loo qabay inuu ka soo horjeedo iyaga laakiin markuu madax noqday wuxuu la soo shir tagay wax gaaladii caddeyd sida Ingiriiska iyo Faransiisku la yaabeen! Waaba ka dheereeyey! Ogaada, waa adag tahay in Xabashi ama Ingiriis beddelo wax diin ku saabsan halka qofka kuu eg sida kuwa wadaaddo sheegta ay wax diin ah ka dhigi karaan bidco! Ama wax xun kaaga dhigi karaan wax san! Jaadka/qaadka hadda khaatiga laga taagan yahay ee akhlaaqdii iyo dhaqaalihii Soomaaliya baabi'iyey yaa dacaayad u sameeyey? Wadaaddaa yiri, "waa quud awliyo!" Mar waxaa jirtay wadaaddada Diiqooyinka keliya muqayiliin ahaayeen kaddibna waxaa ku diimay oo ka daray qeybihii kale ee bulshada! Hadda wadaaddaa u socda in dastuur C/Laahi Yuusuf iyo Shariif socodsiin waayeen ay iyagu socodsiiyaan! Faransiiska iyo Ingiriisku waa khiyaami jireen Muslimiintii ay dhulkooda qabsadeen sida iyagoo iska dhigaya inaysan dhib u geysaneyn diintooda! Waxay sameysteen wadaaddo dadka u soo jiida. Xitaa Talyaanigu wuxuu mushaar siin jiray qaaddiyaasha Soomaaliyeed! Ingiriiska iyo Talyaanigu marna ma oran ragga iyo dumarku waa siman yihiin halka Kacaanku yiri! Marka gaalo waa taqaan in lagu shaqeysto mid noo eg!
Taas beddelkeeda wuxuu Ataa Turki weerar aan geed loogu soo gabban ku qaaday diintii Islaamka. Luuqaddii Carabiguu meesha ka saaray. Masaajiddii buu ka dhigay matxafyo. Wuxuuna rag iyo dumarba ku khasbay inay qaataan labbiska reer Galbeedka! Xitaa wuxuu gaaray inuu dhaho halagu tukado Af Turki!
Ninkaan hadda ra'iisul wasaaraha ka ah Turkiga waa nin isku darsaday cilmaaniyaddii Ataa Turki iyo caqiidada Xasan At-Turaabi! Aniga xaggeyga waxaa dhib yar Ataa Turki ileyn dagaal cad buu ku qaaday diinta Islaamkee laakiin Xasan At-Turaabi iyo waxa ku caqiiddaa sida Ikhwaanka iyo Islaaxa qaarkood waa kuwa caqlaani ah! Xasan Turaabi mar wuxuu iska dhigayaa inuu ka soo horjeedo reer Galbeedka sida markuu xukunka qabsaday Bashiirka Suudaan! Marna waxaad arkeysaa Turaabi oo gaalada madow ku xisbi noqday oo aaminsan in qof gaal ah xukumi karo Muslimiinta ama haweenku masaajidda naga tujin kartaan! Turaabi iyo waxa ku caqliga ah waxaa hogaamiya caqligooda! Nasuustii waafiqi weyda hawadooda iyo caqligooda waxay ka dhigaan wax been-abuur ah! Axaaddiis badan oo sixiix ah bay diideen. Waa tii mar Dasuuqi lahaa, "isuma quuro inaan guursado haweenay 9 sano jirta!" Waa mar uu ka hadlayey Nabi Muxamed (SCW) iyo Caaisha (RC). Is-barbar-dhiggaa khalad ah! Qofku dookhiisa waa ka hadli karaa laakiin in Suubanaha (RC) wax loo fahmayo in la durayo la soo qaato waa khalad! Iyadoo la ogyahay in Suubbanuhu (SCW) soo raacay ari markuu yaraa baa haddana culumada qaarkeed waxay dhaheen qofkii dhaha Nabi Muxamed (SCW) wuxuu ahaa ari-raac waa gaaloobayaa. Sababtu waxay tahay waa caay markii qof lagu yiraahdo ari-raac baad tahay laakiin ceeb ma aha haddii nin ari leeyahay! Nin-karmeed kasta oo miyi joogay waa khasab mar inuu ari raacay oo wax waa ka aroorshay, waana ooday! Iyadooy taasi jirto bal nin ku dheh ari-raac baad tahay!
Marka la-yaab ma leh in ra'iisul wasaaraha Turkigu Soomaaliya lugta la soo galo iyadoo gaalo-madow waddanka heysato! Isagu dhib uma arko gaalomadowda marba hadduu Soomaalida dhiban ka dhaadhicin karo inay ka soo baxaan Jaamacadda Carabta oo ku soo xirtaan Turkiga!
Maxaa Islaaxu saameyn weyn ugu yeelan waayey bulshada Soomaaliyeed? Ogoow, Islaaxii hore qaarkood waa ka fiicnaayeen kuwa hadda soo jooga! Markii ugu horreysay iyagaa ka magac dheeraa kuwa hadda Salafiyiinta sheegta! Soomaalida qaarkood weli Salafiyiinta oo dhan waxay ugu yeeraan "Ikhwaanul Muslimiin!" Saasoy tahay, Islaaxu waxay qabaan waa sheegan jireen. Marka khaladaadkoodii baa bannaanka u soo baxay markaasaa shacabkii iskaga leexday!
Qolyahan hadda Ictisaamka sheegta waxaan arki jiray iyagoo Islaaxa ugu yeeraya (الصوفية المعاصرة)! Waxaa yaab leh hadda waxaa meel wada fadhiya Islaax, Suufiyadii hore, Timoweyn, Ictisaam, cilmaaniyiin, Soomaali gaalo ah, iyo gaaladii!
Markii qumayadu qaadeysay nimankaas Ictisaam baan qeylo afka ku shubannay - war iska jira nimanka safiirrada la shiraya! War nimanka Zenawi u galaya! War nimanka Zenawi u helaya Fatwo lagu taageero! Ilaa madaxda Kenya, Amisom, iyo Faroole ka dhigteen Ictisaamka boombale lagu ciyaaro!
Markii Kenya weerareysay Soomaaliya waxaa madaxda Kenya casuumeen wadaaddo Soomaaliyeed say goobjoog arrintaas uga noqdaan! Waxaa cad inaysan wadaaddadaasi B iyo T midna ahayn! Si fiican uma muujin taageerada Kenya; sidoo kalana uma digin dowladda Kenya! Saaxiibadda noocaas ah waa kuwa dadka ugu xun. Xitaa gaaladu ma ixtiraamto qofka noocaas oo kale ah oo markii la isku cidleystana sir kuu sheegaya ama dad kale caayaya; markuu shacabka la joogana munaafaqeeya! Heer waxay gaareen marka dastuurka looga hadlayo Garoowe ay soo xaadiraan wadaaddadii diinta dadka soo baray! Iska daa dastuurka Soomaaliyee; waxay hadda goobjoog ka noqdaan marka kasta oo xitaa laga hadlayo dastuurka Puntland!
Faarax Macallin baa laga sheegay inuu ka yiri mid ka mid ah wadaaddada ugu caansan Kenya markaan keli isku noqonnana wuxuu dhahaa Shabaabku waa gaalo iyo Khawaarij; markii shir la joogana ma ogola inuu wax ka sheego!
ويقولون للذين كفروا هؤلاء أهدى من الذين آمنوا سبيلا
Horta sidaan uga hadlay dadka Soomaaliyeed ee heysta PhD oo aan anigu ugu yeero mid mid "Doctor of Phantasy" baa gaalada isku sheegta "Think Tank" aysan waxba ka agab sokeyn kuwaas Soomaalidaa! Dhabcan qof kasta oo Soomaaliyeed oo PhD heysta ma caqli xuma laakiin badankoodu waa ka Caqiiddo hooseeyaan hooyooyinka ariga la jooga ama xaabada ku gata suuqyada! "Phantasy" waxay la macno tahay "Fantasy" oo waa khiyaaliga! Maxaad ku sheegi lahayd nimanka PhD heysta oo Tigree, kuwo u dhashay Burundi, Kenya, Ugaandha, Talyaani, iyo Ingiriis ka sugaya horumar iyo kheyr?! Ma maqasheen ciidan Iiraan ka socda oo Ciraaq loo diray? Ogaada, Shiicada Ciraaq aad bay u badan tahay! Ama Yuhuud dhexdhexaadineysa Xamaas iyo Maxamuud Cabbaas?!
Nimankaas gaalada ah ee la baxay "Think Tank" waa kuwii Maraykanka ka dhaadhiciyey in Shariif sheekh Axmed iyo labada oday ee Xaad iyo Axmed Diiriye soo xero galin karaan Shabaabka intooda badan! Maxaa ka soo naaso caddaaday wixii qolyahaasi ku tasheen? Hadda RAND oo ah hay'ad cilmi baaris iyo horumarin u qaabilsan gaalada baa qabta in bal Ictisaam iyo firqooyinka kale ee Soomaaliya la isu keeno si ay uga soo horjeestaan Shabaabka! Waad ogaydeen in wadaaddadii Ictisaamku dacaayad ka-dhan ah Mujaahidiinta bilaabeen! Shabshablana malagu dayey!
Insha Allaahu, Shabaab oo soo taagan baa ina sheekh Axmed shadaaftiisa iska qaadanayaa oo meelahaas iska aadi doonaa hadduu Ilaahay badbaadiyo! Laakiin waxay ku fiican tahay in askari Amisom ah oo waardiyeynaya xabbadi kaga fakato weliba Shariifka oo dharka milatariga labbisan! Qaabkaas inuu ku dhintuu ku fiican yahay marba hadduusan dagaal galeyn!
Xaqiiqdii isbaheysigaas waxaa ka soo socda shar. Islaaxa oo dhib badnnaa baa waxaa ku soo kordhay taageeradii gaalada, cilmaaniyiinta iyo Ictisaam! Waxaa ugu dhib badan Ictisaam! Maaddaama aan wax ka soo xarriiqday Bay'olojiga baa waxaan xasuustaa sida fayraska hargabka keena isu bedbeddelo. Fayraskaas wuxuu leeyahay barootiinno uu kula xaalo unugyada noolayaasha. Badanaa fayraskaasi wuxuu kala leeyahay kuwo ku kala dhaca xayawaanno gaar ah sida dadka, shimbiraha, biyo-ku-noosha iyo dadka. Midka la dhaho Influenza B wuxuu ku dhacaa dadka iyo xayawaanka biyo-ku-noolka ah ee "seal" oo bannaanka uga soo bixi karta biyaha!
Feyraska hargabka waxaa badanaa lagu astaa xarfo iyo nambarro ka turjumaya labo barotiin oo muhiin u ah feyraska. Waxaa ka mid ah sumadahaas sida H1N1, H5N2, H5N1 , iwm. Dhibta ugu daran waxaa weeye waa feyraska hargabka keenaa oo is bedbedela oo u gooya difaaca jirka ee aqoonsan lahaa hadduu hal qaab ku joogo waana adag tahay si loogu diyaariyo tallaal. Haddii macluumaad laga hayo nooca feyrsaska sanadkaas; waa dhib yar tahay in tallaal loo helo laakiin waxaa adag si loo saadaaliyo nooca feyraska, is-bedbeddelkiisa darteed. Wuxuu sameeyaa wax afka qalaad lagu dhaho " antigenic drift & antigenic shifts."
Sidaan la soconno waan maqleynnay in hargab la yiri wuxuu ku dhacaa badanaa doofaarka ku dhacay dadkii! Markaasoo kale feyrasku wuxuu geystaa dhibaato weyn. Inkastoo xitaa feyraska hargabka keena ee dadka ku dhaca is bedbeddelo haddana jirka dadku waa la xaalaa oo wuu iska caabinayaa feyraska. Keliya waxaa dhibka ugu weyn ku dhacaa dadka waaweeyn, carruurta, iyo kuwa qaba cudurada kale ee hoos u dhigay difaaca jirka laakiin hargabka ka yimaada shimbiraha ama doofaarka ee ku dhaca dadka wuxuu geystaa dhimasho xad dhaaf ah. Xitaa wuxuu dhulka la galaa dadkii xoogga lahaa ee aan badanaa u dhiman hargabka caadiga ah!
Haddaad Wilaayo uu lahaa qof Muslim ah aad siisid gaal ama ka-bari-noqosho laga bari noqon lahaa gaal lagu beddelo in laga bari noqdo qof Muslim ah waxay ka dhigan tahay feyras doofaar ku dhici lahaa oo dad ku dhacay! Haddaba Ictisaamka ku biiray Islaaxa oo hadda hoos fariistay gaalada waxay keeneysaa in dhibkoodu ka daro kii Islaaxa! Shaki ma leh in Ictisaamku hayaan xog dheeraad ah oon Islaaxu heyn. Ictisaamku waa ku dhex jireen, waxna qaarkood waa soo bareen Salifiyada Jihaadka! Marka waa iyaga kuwa hadda gaaladu ku xisaabtameyso bal say u dhaamaan Shariif sheekh Axmed!
Mar horaba waxaa jira Ictisaam loo carbiyey inay gaalada la shiraan! Soow meynnaan arag qolyihii u galay Itoobiya oo shimbiro buubinaya iskuna sawiraya sawir fool-xun oo laga waday Sayid Maxamed C/Le Xasan (AUN)! Kuwa safiirrada Maraykanka masaajidda keenaya oo la shiraya! Wadaaddada wasiirrada Kenya la shiraya oo xabadka saaraya! Kuwa Mahiga iyo Amisom shirarka u furaya! Nimankii mu'tamaraadka ka lahaa " We don't care about Mogadhisu'; We do care about Minnesotans baa farta ku godan tahay!"
Inkastoo khatarta isku-biirkaas dhib badan tahay haddana waxaa Ilaahay diintaan ku gargaaray dad aan ka daaleyn oo difaacaya. Marka khatartaas muuqata wax weyn tari meyso oo dadku waa arkeen is-dhiibka wadaaddadaas. Waxaa la-yaab leh Timoweyntii iyo Suufiyadii oo horan baa Xamar iyo Garoowe waxaa Amisom iyo Mahiga hoosta uga jira wadaaddada Ictisaam! Marka shacabku waa arkaa midabeynta wadaaddadaas. Marka waxaan wadaaddadaas u sheegayaa inaysan aakhiradooda is dhaafin. Marka haddii diinta Ilaahay xafidanayo; yaa Muslimiinta xafidaya? Waxaa loo hayaa jawaab Rabbaani ah:
إنا نحن نزلنا الذكر وإنا له لحافظون
إن الله يدافع عن الذين آمنوا إن الله لا يحب كل خوان كفور ( 38 ) ( أذن للذين يقاتلون بأنهم ظلموا وإن الله على نصرهم لقدير
(انا لننصرن رسلنا والذين امنو في الحياة الدنيا ويوم يقوم الاشهاد
C/Waaxid C/Laahi Khaliif
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


