Shabakadda Islaamiga ah ee SomaliMeMo oo Hawada dib ugu soo noqotay

Written by Maamul on .

Ka dib todoba maalmood oo ay hawada si rasmi ah uga maqnayd Shabakadda Islaamiga ah ee SomaliMeMo ayaa Allaah Fadligiis Shabakaddu waxa ay hadda si rasmi ah u bilowday howlihii Warbaahineed ee ay umadda Muslimiinta ah u haysay.


Waxaan ku Mahdinaynaa Allaah SWT, waxaan Allaah uga Mahad celinaynaa Nicmeeyinka faraha Badan ee uu nagu Galadaystay oo ay ka mid tahay in uu Allaah noo fududeeyey howshan aan Allaah daraadiis ugu istaagnay, Waxaan Allaah u mahad celinaynaa Mahad aan lasoo koobi karin.


Fadliga Allaah ka dib Dadaal dheer oo ay galeen howl-wadeedana Shabakadda ayey ku suura gashay in ay Shabakaddu ka soo gudubto caqabaad badan oo hortaagnaa.

 

Waxaan Allaah ka dib u mahad celinaynaa Farsamayaqaanka Shabakadda, Howl-wadeenada Shabakadda iyo Walaalihii Muslimiinta ahaa ee dhanka emailka nagala soo xiriiray ayaga oo kasoo wardoonaya Shabakadda.

 

Waxaan leenahay dhammaantiin Jazzaakumullaahu kheyran.

 

Shabakaddu waxay sii wadi doontaa howshii warbaahineed ee lagu bartay, Dariiqii xaqqa ahaa ee horay ugu jeexnaa Shabakadda ayey kusii socon doontaa, waxaan Rajaynaynaa in soo noqoshada Shabakaddu ay ka Farxin doonto muslimiin badan, kana nixin doonto Munaafiqiin badan iyo kuwo uu qalbigoodu jiranaa.

 

Maamulka SomaliMeMo

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy