Saraakiil American ah oo ku bakhtiyey Wadanka Jabuuti ka dib markii ay soo dhacday diyaarad ay saarnaayeen.
Saraakiil Mareykan ah ayaa lagu ladilay wadanka Jabuuti oo kamid ah wadamada qaaradda Afrika ee ay xoogga ku joogaan quwadaha reer galbeedka.
War kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu sheegay in Diyuurad dagaal oo burburtay ay ku dhinteen 4 Sarkaal oo American ah.
Radio Sawa oo Mareykanka laga leeyahay ayaa baahisay warka kasoo baxay Mareykanka oo lagu xaqiijinayo dhimashada saraakiisha Mareykanka ah.
”Wasaaradda Difaaca waxay xaqiijinaysaa in 4 Sarkaal ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo Axaddii lasoo dhaafay ka dhacay meel ku dhaw Saldhigga Milleteriga Mareykanka ee Jabuuti, diyaaradda Burburtay waxay aheyd Nuuca U28”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda dagaalka Mareykanka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xiligii diyuuraddu burburaysay ay kusii jeeday gudaha dalkeena Soomaaliya oo duulaan gaaleed caalami ah wajahaya.
Bayaan isna kasoo baxay Taliska dhexe ee Mareykanku ku leeyahay Afrika ee Africom ayaa lagu sheegay in Saldhigga Lemonier ee Jabuuti uu khasaara xoogan lakulmay.
Wakaaladda Wararka Mareykanka AP waxay sheegtay in Sedax Sarkaal iyo duuliyihii diyuuradda ay ku bexeen shilka ka dhacay Jabuuti.
3-dii bishan Febaraayo ayay diyuurad nuuca wax basaasa ah oo aad Duuliyaha laheyn kusoo dhacday xerada Badbaado ee magalada Muqdisho halkaasi oo ay ku burburtay.
Cantoob Cadde
SomaliMeMo
Muqdisho Somaliya
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


