Risaalo Duulaankii Itoobiya Shalay Iyo Maantay Sheekh Cismaan Shire "Abu C/raxmaan Al Cumari" (Gob-Islam Turjumaad Kooban)
KENYA:- Waxaa Risaaladaan Qoray Sheekh Cismaan Shire (Abu C/raxmaan AlCumari) Xafidahullaah, Magaceedu waa “Duulaanka Itoobiya Shalay iyo Maantay!”. Sheekhu wuxuu ka hadlay arimo badan gaar ahaan Aragtiyadii kala duwanaa ee ay qaateen Culimada Soomaaiyeed Shalay iyo Maantay ama Wakhtigaan aan qoraalkaan qorayno.
Muxuu oga hadlay Risaalada Sh. Abu C/raxmaan?.
Sheekhu wuxuu ka hadlay ama soo guuriyey Taariikh mudan in baal dahab ah lagu qoro, Taariikhdaasi waa Aragtiyadii ay qaateen Culimada Soomaaliyeed Sanadkii 2007 iyo 2008 iyo kahor markii Ciidamada Saliibiyiinta Itoobiya ay galeen Soomaaliya. Sheekh Abu C/raxmaan wuxuu xusay ama soo min guuriyey Bayaanadii Culimadu soo saari jireen, waxaana cajiib ah in Sheekhu laftigiisu uu Bayaanada qaarkood uu goob joog ahaa sida Bayaanka Makka kasoo baxay ee aan u tagi doono.
Dhammaan Risaalada Sheekha isma dultaagi karno laakiin bal aan xusno qaybo kamida Risaalada Sheekh Abu C/raxmaan Alcumari Xafidahullah.

Soo galitaankii Itoobiya Sanadkii 2007 Muxuu Ka Yiri Sheekha Risaalada Qoray Sheekh Abu C/raxmaan?.
SheekhAbu C/raxmaan wuxuu xusay sida aad Qoraalka ku arkaysaan Luuqadda Carabiga ku qoran, soo galitaankii Itoobiya Sanadkii 2007, Murtad C/laahi Yuusuff iyo Murtad Cali Maxamed Geedi ayuu xusay in ay hogaaminayeen Ciidamada Shisheeye Nimankaas Sheekhu nacladay ee Dawaaqiida uu ku sheegay, waxaa gaalaysiiyey oo Bayaano ka soos aaray Culimada aad hoos Magacyadooda ka akhrin doontaan.
Sida aad Arkaysaan Wasiirka Arimaha Debadda ayaa Calankii Saliibiyiinta Barika Afrika ka taagaya Magaalada Muqdisho Sanadkii 2007, sidoo kale Cali Geedi ayaa ku duulayey Diyaaradaha Itoobiya, waa Masawir Taariikhi ah!, bal aan eegno Taariikhda uu ku xijiyey Sheekh Abu C/raxmaan.

Sheekhu wuxuu ka hadlay wixii ka dambeeyey Sanadadahaa 2007 iyo 2008 in Imtixaan lagu kala baxayo uu yimid.
Wuxuu xusay Sanadkii 2011 iyo Sanadkaan 2012, wuxuuna tusaalo u soo qaatay Dadka hadda Itoobiyaanka hor kacaya oo uu ugu horeeyo Daaquud Sharif Murtad. Sheekh Abu C/raxmaan wuxuu sheegay Sharif Murtad in uu Diintiisii siistay Adduunyo oo uu Saliibiyiinta ka iibsaday, sida aad kor aad ka akhrin kartaa ama Risaalada, bal aan wada aragni Bayaanadii Culimadu soo saari jireen Xiligii Amaxaaradu soo gashay Soomaaliya.

“Bayaanadii Culimada Soomaaliya ka soo saareen Duulaankii Saliibiyiinta Itoobiya kuwii ugu muhiimsanaa Bayaankii Koowaad”.
Sheekh Abu C/raxmaan Alcumari oo Taariikhda dib u jileecay ayaa Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah xasuusiyey Bayaanadii ay soo saari jireen Culimada Soomaaliyeed ee ay ku diidanaayeen Duulaanka Saliibiyiinta Itoobiya.

Bal aan wada aragno Bayaanka ugu horeeyey! qayb kamida oo sidan u qornaa!.
Waxaa ku cad Bayaanka in ay Culimada Xaqqa sheegaan oo aysan qarin, isla markaana ay umadda oga digaan duulaanka Saliibiyiinta Itoobiya iyo Maraykanka oo wata qorshe uu ugu magac daray la dagaalanka Argagaxisada oo loola jeedo in Muslimiinta in loo diido in ay ku dhaqmaan Shareecada Islaamka ama isku xukumaan.

Bayaanka ugu horeeyey waxaa ku saxiixan Culimada Magacyadaan leh, sida Sheekh Abu C/raxmaan Risaaladiisa ku sheegay. Waxaana ku qoran Qodabadii Bayaankaas Culimadu ku soo saareen, marka mawada Turjumi karno ee Akhrista Bayaanka Koowaad Macluumaadka ku jira ee Taarikhiga ah Sheekhu noo soo guuriyey Culimadu tira ahaan waxay gaarayaan Magacyadoodu 80.
(1) Sheekh Shariif C/nuur Sharif Xasan
(2) Sheekh Maxamed Nuur Qawi.
(3) Sheekh Cali Warsame Xasan.
(4) Sheekh Cumar Iimaan Abu Bakar.
(5) Sheekh C/laahi Cali Xaashi.
(6) Sheekh Maxamuud Ciise Maxamuud.
(7) Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.
(8) Sheekh Nuur Macalin C/raxmaan.
(9) Sheekh Jaamac C/salaam Warsame.
(10) Sheekh C/risaaq Aadan Macalin.
(11) Sheekh Xasan Xuseen Axmed.
(12) Sheekh Cilmi D J
(13) Sheekh Maxamuud Macalin Nuur
(14) Sheekh C/laahi Maxamuud Ciise
(15) Sheekh C/laahi Daahir Jaamac
(16) Sheekh Xasan Maxamuud Taka iyo Culima badan oo gaaraya 80 Culimo, marka mawada qori karno Magacyadooda ee Risaalada ka Akhrista Insha Allah,
Sheekha Risaalada Qoray wuxuu xusay ama sheegay Culimadaas in aysan hal shir iskugu imaan dhammaantood laakiin xiriir xagga taleefoonka ah lala sameeyey inta aanan Bayaanka la shaacin ama magacooda aanan la isticmaalin, wuxuuna sigooniya Abu C/raxmaan u xusay in uu Bayaanada qaarkood uu ka qayb qaatay.
Dhinaca kale wuxuu Sheekh Abu C/raxmaan xusay in uu horboodayey Bayaanada Maxamed Idiris oo Culimadaas kula xiriiray Taleefoono sida Sheekh Cumar Faaruuq oo aanan joogin Shirkii Makka laakiin Abu C/raxmaan wuxuu cadeeyey in Sheekh Callaamah Shariif C/nuur lagu dul akhriyey Bayaanka.
Bayaanka Labaad ee Culimada Soomaaliya ay ku diidanaayeen Gaalada in ay dhulalka Muslimiinta qabsato waxay ka soo saareen Magaalada Burco waxaana laga akhriyey Dhuusamareeb ama looga dhawaaqay. Waa Taariikh yaab leh oo Sheekh Abu C/raxmaan uu soo guuriyey qaarna uu goob joog uu ka ahaa.
Mawada dul istaagi karno Risaalada oo 27 Bog ku dhawaad ka kooban, marka Bayaanada iyo Taariikhda uu xusay Sheekhu ma ahan mid aan soo koobi karno ee hala Akhriyo Risaalada.
Gunaanad.
Sheekhu wuxuu kusoo gunaanaday dardaaran iyo in uu iftiimiyo wax badan oo Muslimiintu u baahan yihiin, gaar ahaan Culimada, Ducaada iyo Dalabada Cilmiga Sharciga ah barata aysan ka maarmin. Haddii aad xasuusataan Sheekhu wuxuu ku bilaabay Samir iyo dulqaad in ay yeeshaan Muslimiintu, isla markaana wuxuu xusay Adilooyinka tilmaamaya Samirka iyo dulqaadka ayada oo Muslimiintu guusha ay helayaan oo Allah u balan qaaday, sida Sheekh Abu C/raxmaanba tilmaamay.
Risaalada oo Word ah Halkaan Riix Ama Guji | PDF Halkaan Riix Ama Guji
Risaaladii Hore ee Sheekh Abu C/raxmaan Ee Kalimadda Amaanada Ah Halkaan Riix Ama Guji
Gob-Islam



