Nin Jaasuus ahaa oo lagu toogtay degmada Buurdhuubo.
Wilaayada Islaamiga Gedo ayaa xukun Xadu Ridda ah ku fulisay mid kamid ahaa Jawaasiista u shaqeynaysay dowlada Itoobiya ee duulaanka kusoo qaaday wilaayadaasi.
Fagaare ku yaal degmada Buurdhuubo waxaa isugusoo baxay shacab boqolaal gaaraya si ay u daawadaan xukun dil ah oo lagu fuliyay Nin Basaas u ahaa Dowladda Itoobiya.
Ciidamada Amaanka degmada Buurdhuubo ayaa gacanta kusoo dhigay Nin Soomaali ah oo ku sugnaa halka loo yaqaan Birta dheer oo 10 KM ujirta Buurdhuubo kadibna waxaa lagu wareejiyay hay'adaha ku shaqada leh baarista.
baaritaan dheer kadib ayaa lasoo ogaaday shaqada Ninkaasi isna wuxuu qirtay in uu lasoo shaqeeyay ciidanka Itoobiya ee Gedo ku sugan islamarkaana uu ka qeyb galay dagaalkii weynaa ee ka dhacay Xabadaale oo ay ku jabeen ciidanka Itoobiya.
Jaasuuska intii aan maxkamadda lasaarin kahor ayuu qirtay in ciidanki Itoobiya ee bishii lasoo dhaafay Raashinka keenay Garbahaarey uu lasocday islamarkaana ay aabilsiiyeen shaqada Jaasuus.


