Ciidanka Itoobiya oo Gaari looga gubay Owdiinlle iyo Dagaal ka socda Bardaale.
Waxaa goordhaw soo gaba gaboobay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Muslimiinta iyo kuwa gumeysiga Itoobiya ee kusoo duulay wilaayada Bay iyo Bakool.
Wararka nagasoo gaaraya degmada Bardaale ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya qaraxyo xoogan lagula eegtay duleedka deegaanka Owdiinlle waxaana halkaasi ku gubtay gaari Uuraal ah oo ay wateen ciidanka laweeraray.
Wariye Cali Yare oo Bay ku sugan ayaa soo sheegay in qaraxyada kadib ay ciidamada wilaayada Bay weerar fool ka fool ah ku qaadeen kolonyo ciidan Amxaaro ah oo marayayay tuulada Jiiro Mad-dheekh oo Bardaale ku dhaw.
Dagaalka oo goordhaw soo gaba gaboobay ayaan faah faahin dheeri ah laga helin balse warar hordhac ah waxay sheegayaan in gaari Uuraal ah uu ku gubanayo wadada.
Lasoco wixii soo kordha


