Qabuura galeenka Cabudwaaq oo Idaacado magaaladaasi ku yaal ka mamnuucay in ay baahiyaan Duruusta Diiniga ah ee ay Jeediyaan Sheekh Mustafe Xaaji ismaaciil, Sheekh Umal iyo Shiikh Dirir (Faah-Fahin).

Saturday, 17 July 2010 12:59 Maamulka Memo
Print PDF

somalimemo.netQabuura Galeenka Mushrikiinta ah ee qaska ka wado deegaanno kooban oo katirsan Gobalka G/gaduud ayaa cadaystay Mowqifkooda shareeca diidaka ah oo ay Itoobiya wakiilka uga yihiin Soomaaliya.

Wararka naga soo gaaraya Cabdwaaq ayaa xaqiijinaya in Maamulka degmadaasi uu xayiraad ku soo rogay Idaacado madax banaan oo ka jiray gudaha degmadaasi Cabudwaaq ee G/gaduud.


Weriyaal ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa xaqiijiyay in laxiray Idaacadaha kala ah Radio Abudwak iyo Radio Bad-baado oo labaduba kamid ahaa Idaacadaha fara kutiriska ah ee ka shaqeeya G/gaduud.


Agaasimaha Radio Bad-baado C/weli Xasan Jumcaale ayaa Warbaahinta u sheegay in Idaacadda ay xireen kadib markii ay u dul qaadan waayeen Awaamir xad dhaaf ah oo ay kala kulmeen Mushrikiinta.


Wuxuu sheegay in lagu amray in ay joojiyaan Casharka Tafsiirka Qur'aanka oo uu Idaacadda ka Akhriyo Sheekh Max'med cabdi Umal iyo aanay deyn karin Duruus ku saabsan Xajka oo uu Idaacadda ka jeediyay Sheekh Max'med Dirir sidoo kalane aan Idaacadda laga deyn karin wararka Shabaabul Mujaahidiin.

 

"Idaacadii waan iska xirnay kadib markii aan u dul qaadan weynay awaamirta ad adag ee Ahlusuna, waxay nagu amreen in aan joojino Duruusta ay Idaacadda ka Akhriyaan Shekh Umal iyo Sheekh Dirir iyo in aanan adeegsan karin Shabaabul Mujaahidiin, awaamirtaas waxaan u fahanay kuwa shaqada Idaacadda lagu diidanyahay waana deminay idaacadda "ayuu yiri Agaasime C/weli Xasan Jumcaale.

Agaasimaha Radio Abudwak C/kariim Bulxan ayaa isna sheegay in Awaamir ad dag lagusoo rogay islamarkaana la faray in aan Radiyaha laga dayn karin Siirada Nabiga ee uu Akhriyo Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun iyo in adeegsiga Shabaabul Mujaahidiin meesha laga saaro.

"Maamulka ayaa noo yeeray waxay nafareen in aan joojino duruusta Sheekh Mutafe Xaaji Ismaaciil Haaruun islamarkaana aan joojino magaca Shabaabul Mujaahidiin, Radiyaha aan maamulaha ka ahayn waxaa ka baxa duruusta sheekh Musatafe dadkuna ay aad u jecelyihiin waxaa igu adkaatay in aan joojiyo duruustaas sidaas ayaana Idacadda u xiray"ayuu yiri Buxan.

Mushrikiinta Qabuura Caabudka ah ayaa Culimada Salafka ah u yaqaan Wahaabiyo waxayna qoonsadeen xaqqa ay ka sheegayaan Kitaabka alle, talaabadan ay ku dhaqaaqeen Mushrikiinta ayaa shacabka Muslimiinta ah u cadaynaysa in kooxdaasi cadaw tahay madaama ay diidanyihiin faafinta diinta Islaamka.

Qabuura Galeenka ayaa si gaar ah u dhibsade Siirada Nabiga ee uu Sheekh Mustafe uga hadlayo Dagaalkii dhaxmaray Mushrikiintii Qureesh iyo Asaxaabtii nabi Maxamed Nabad-geylo dushiisa allaha yeelee.


Shacabka Cabudwaaq ayaa la sheegay in si tartiib tariib ah ugu baraarugayaan Mushrikiinta oo hortay u xirtay Masaajid iyo dugsiyo qur'aanka lagu barto oo ay ku sheegeen Wahaabiyo khilaafsan suufinimada.


Waa Markii ugu horaysay oo Idaacad ku taal Soomaaliya loo xiro baahinta Duruusta Diiniga ah , arrintan ayaa u muuqaal Eg dhaqankii isbahaysigii dagaalanka Towxiidka ee Muqdisho ka curtay Feberaayo sanadii 2006-da markii dambana laga adkaaday.

Last Updated on Sunday, 18 July 2010 12:55

Comments  

 
1 alfaatih 2010-07-17 13:21
Subxaanallaah waa Mushrikiin kuwaani maxay ka rabaan culimadaasi xaqqa ayay sheegayaane

Suufidu haday diidanyihiin Towxiidka ay Wahaabiya caalamka ku faafisay maxay Xajka ugu ordaan Xajka cid aan Ahlu Towxiid ahayn looma ogolee

Dowladda sacuudiga hadii ay islaami ahaan lahayd Mushrik Suufi ah Xaramka magaleen waa latacziiri lahaa
Cakuye goormaan Hanti doontaa dhulka Muqadaska ah Mushrikiin in ay galaan ma ogolaan lahayne
Quote
 
 
2 buuhoodle 2010-07-17 14:19
awalba waxaa wax kayar lagama filayn waxaan lee yahay dadka cabudwaaq iska adkaysta inta mujaahidiintu idinsoo gaadhayaan
Quote
 
 
3 khaliil yare 2010-07-17 14:23
a.s.c.waxaan halakaan kasalaamayaa walaalaha muslimiinta gaar ahaan muwaxidiinta ahlu towxiidka ah kadib waa wax iskacad waxa eykarabaan kunadiidayaan culimada somaliya gaar ahaan ahlu towxiidka shekh umal shariif cabdi nuur shekh xasaan shekh fuad shekh shibili dhamaan waarag ahlu towxiid ah mana ogola in qabri ladulfadhiyo ama xoolo lagudulqalo hortood waxaa diiday nabi muxamad csw waxana kuladirira rag mushikiin ahaa sida abuu jahal abuu lahab iyokuwakaleba waana islamid kuwaas iyo kuwani bal kuwaan ayaa kadaran kuwaas marka inay diidaan towxiidka iyo xijaabka niqaabka jihaadka iyo shareecada islaamkaba waa sunatulaahi latii qad khalad minqablu walantajida lisunatilaahi tabdiila allah islaamka haguuleeyo
Quote
 
 
4 abu ma,awa 2010-07-17 14:27
wale manatay cadaatay waxay yihiin ALLENA waa arkaa diintiisa asagaana u gar gaarayee ha sabraan reer cabud waaq
Quote
 
 
5 Saleman 2010-07-17 14:41
ANIGA WAXAANBA KA AAMINSANAHAY IN AY AHEEYN QABUURA CAABUDAYAASHII
LAAKIIN WAAY KUSOO GABANAYAAN OO MAGACA QURUXDA BADAN EE AHLUSUNNA AYAAY ISKA SHEEGANAYAAN
SI AY UGU QARSOOMAAN DIINTA OO SOOMALAIDA AY 100% HEYSATO

WAXAANA AAN AAMINSANAHAY IN AY YIHIIN ATATURKII TUKEY USKU DAYEY IN DIINTA ISLAAMKA LAGA TIRTIRO TURKEY OO QANDARAAS KASOO QAATEY DALKA SWEZARLAND

HADDII AY ISLAAM YIHIIN LAGA DAGAALANTEEN DIINTOODA ISLAAMKA
MANA LASAAXIBTEEN GAAL MADOOW OO CADOW KU AH ISLAAMKA SOOMALAIYEED XOOGNA KUHEYSTA DHUL SOOMAALIYEED QASNA KAWADAYE SOOMAALI 20 SANO

LAAKIIN UGU DAMBEYNTII SHACABKA SOOMAALIYEED AYAA ADKAANAYA INSHAA ALLAAH
MANA LAGA SAARI DOONO DIINTOODA CIDDII USKU DAYDANA KAMA ADKAAN DOONTO INSHAA ALLAAH
Quote
 
 
6 saalim 2010-07-17 14:49
nimankaas magaca (ahlu sunna) waa magac ay xadeen waa in laga soo dhigaa.
Quote
 
 
7 CABDI 2010-07-17 17:28
SUUFIYAA WAXAY CADAYSANTAY MABDA,EDII OO AHA LA DAGAALANKA TAWXIIDKA ALLE SIDAASI DARAADED WAA INAY KU BARAARUGAAN DADKA KU DHAQAN CAABUD WAAQ
Quote
 
 
8 QOSLAAYE 2010-07-17 19:39
KKKKK Ahmalez wal zanawi waxaa amarka soo siiyaya itoobiya oo ay markii horeba u shaqaynayeen.
Reer cbaduqwaana waa ay iska dul qaadayaan suufi tuug.Cabudwaaq waa magaalada ugu weyn uguna dadka badan galgaduud waa in loo gurmadaa si loo kala eryo 10 nin ee suufiyada ah.wax kalena wan ka sugaynaa salaaddana yaan la tukan baa ay soo waddaan
Quote
 
 
9 jidwaaq 2010-07-17 23:15
asc wr wrb salaan gadib Hadalkaan haduu run yahay ilaahay baa og iyo haduu been yahay lkn webka dadka mas uulka ka ah maahan inay dadka isku diraan ama wax been ah soo daabacan hadii hada laguu jedin ilahay baa malinta aqiro kaala xisaabtami
Quote
 
 
10 jabraail 2010-07-18 09:42
Warilaah ka cabsada umada jahliga aad u sheegaysaan iska daaya umada Commentiga rebaysana haku fududaanina waxa uu webka qoro alal uga baqa hala naar galina webkana waxaan ka codsanaa fikirkaqofka inaan laqarin plz waxa aan fikir ahaanaminsanahay so gudbbiya haldhinac waaduli ad huwan tihiin umada waxaad u noqotaanm dhax dhaxaad
Quote
 
 
11 Juujuule 2010-07-18 11:07
Waxqabadka mushrikiintu waa indha shareerka oo ay mamnuuceen , ragoo ay dhaheen shaarbaha deysta garkana xiira ,sarawiisha dheereysta ,musaajidyo lagu tukanayay oo ay amreen in la xiro iyo idaacadaha oo ay ka joojiyeen duruusta diiniga ah ogoow idaacadaha heesaha waa u fasaxan yihiin intaas oo dhan waxay ku tuseysaa in suufiyadu tahay cadowga ugu horeeya ee diinta islaamka.
gaaladu difaac baa looga jiraa waana laga shakisan yahay lkin sufiyadu dad caamo ah baa mooda inay wadaado yihiin
Quote
 
 
12 garaad noor 2010-07-21 19:54
suufiya samaan maleh si qaldan u dhaqan mooyaane
siyaaro aruuri saliga nabiga(s.cw.) ku dheel...... sanaqadh mooyaane
salli iyo si xun u aqri quraanka .....soor cun mooyaane
saafi is ka yeel suraada been ah ....sifaha ilaah diid mooyaane
sinada u bareer sagaal naag guurso...sandheer salaan mooyaane
salaf ka iska dhig saxda wadada sareer mar..... salaadana ku dheel mooyaane
sanka dhuudghu gaaal cadaan iyo madoow salaan.......sali uqaad mooyaane

sahwiga ku nooloow seefta la carar marka islaamka soo ifo ku saloogo mooyaane
suufiya sifa wacan maleh..... seefta mooyaane
hala zuuliyo shirkiga iyo qabuuraha salafkoo si kale mooyaane
Quote
 
 
13 garaad noor 2010-07-21 19:59
suufiya samaan maleh si qaldan u dhaqan mooyaane
siyaaro aruuri saliga nabiga(s.cw.) ku dheel...... sanaqadh mooyaane
salli iyo si xun u aqri quraanka .....soor cun mooyaane
saafi is ka yeel suraada been ah ....sifaha ilaah diid mooyaane
sinada u bareer sagaal naag guurso...sandheer salaan mooyaane

hala zuuliyo shirkiga iyo qabuuraha salafkoo si kale mooyaane
Quote
 

Add comment