William Hague "Aad Baan Uga Walaacsanahay In Islaamka Lagu Maamulo Dalka Suuriya".

Written by gobal on .

somalimemo.netDowladda  Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in ay walwal ka muujinayso awoodda islaamiga ah ee kasoo muuqatay wadanka Suuriya oo kacdoon shacabi ah uu ka socdo.


Wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa sheegtay in nidaamka bashaar dhiciddiisa ay soo dhawaatay islamarkaana ay xoogaga mujaahidiinta yihiin kuwa kaliya ee u diyaarsan in ay bedelaan nidaamka arrinkaasi oo walaac ku beeraya  wadamada Reer galbeedka ee gaalada ah .


Wasiirka arrimaha dibada Ingiriiska Wilyan Heeg oo magaalada London kula hadlayay guddiga ladagaalanka Argagaxisa waxa loogu yeero ayaa yiri “ walaac daran ayaan ka qabnaa in jihaadiistayaasha ay dalka Suuriya ka dhisaan maamul islaami ah arrinkaasi uma wanaagsan beesha caalamka oo wuxuu keeni karaa in islaamku is maamulo”.


Ingiriisku waxay sheegeen in mujaahidiinta muhaajiriinta ah ee kusii qulqulaya dalka Suuriya ay khatar hor leh u keenayaan waxa loogu yeero beesha caalamka ee huwan sharciyadda Caalamiga ah waxa ay ku sheegaan.


Ingiriiska ayaa wadamada qaaradda Yurub ee dhawaan kulan ku yeelan doono magaalada Baroogsalis ee dalka Biljamka ugu baaqaya in ay ka taxadaraan hubeynta qaar katirsan kacdoon wadayaasha Suuriya.


Wadamada gaalada adduunka ayaan ku faraxsaneyn guulaha isdaba joogga ah oo ay saaxada dagaalka kasoo hoynayaan Muqaawamada Suuriya.


Dowlada Mareykanka ayaa horay liiska waxa loogu yeero argagaxisada ugu dartay Jabhadda Al-Nusrah Li Ahli Shaam oo sheegatay in ay tahay Jamaacad Jihaadi ah oo ku dagaalamaysa soo celinta khilaafada islaamka Ee Dhulka Shaam.



Tasarafuutka wadamada reer Galbeedka ayaa dadka muslimiinta ku baraarujinaya in ay ka qeyb qaataan halganka socda meel walba oo lagu sheego xoogag u dagaalamaya isku maamulidda Shareecada Islaamka ayaa lagu duulaa iyadoo la adeegsanayo magaca “Argagaxiso ladirir waxaana u dambeeyay Jamaacada Ansaarudiin ee wadanka Maali”.


Nagasoo Booqo

SomaliMeMo24.com

SomaliMeMo.SO

SomaliMeMoNews.com


Comments (1)add comment

Ibnu haji said:

0
...
Allahu akbar !!! Gaal waa u dhamaatay calanka islaam ayaa dhulka Eeba laga tagayaa insha allah
February 16, 2013

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy