Faah Faahin Qarax Khasaare Dhaliyay Oo Baar Liido Ka Dhacay iyo Tarsan Oo ku Hanjabay in Qurba Joogta Liido ku Tumato Talaab Laga Qaadi doono.
Qarax khasaara dhaliyay ayaa ka dhacay goob lagu caweeyo oo ku taal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Goob Joogayaal ayaa soo sheegaya in Uuro Madoow ay cirka isku shareertay halka lagu magacaabo Baar Liido oo Bilihii lasoo dhaafay ay kusoo qulqulayeen dad Qurba Joog ah.
Qaasim Max'med Nuur oo kamid ah milkiilayaasha Baar Liido horayna u ahaa guddoomiyihii Shabeelaha Dhexe ee Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf ayaa lahadlay idaacada VOA-da wuxuuna sheegay in hal qof oo kamid ah shaqaalaha Baar Liido uu dhintay 3 kalane dhaawacyo soo gaareen.
Sidoo kale wuxuu sheegay in burbur xoogan uu gaaray gaadiid yiillay qeybta Baakingka gaadiidka,goob joogayaal kale oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegaya in gaadiidka ku gubtay qaraxa ay ka badanyihiin 12 gaari.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Baar Liido ay maalmihii lasoo dhaafay ka cunteynayeen saraakiil DF-ka katirsan iyo xildhibaanno balse baarkan waxaa ku nasan jiray dadka howlaha fisqiga ka wado magaalada Muqdisho ee dibadaha ka yimaad.
Goobta qaraxu ka dhacay ee Baar Liido waxaa milkiyadiisa leh qaar kamid ahaa dagaal Oogayaashii hore ee Muqdisho iyo ganacsato gacan saar laleh DF-ka sida Nuur Doob iyo Qaasim Max'med Nuur.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Nuur Tarsan ayaa ka qeyla dhaamiyay xumaanta ka jirta Xeebta Liido isagoona digniin u jeediyay dadka dhaqan xumada halkaasi ka wada.
Balse lama oga in handadaadii Tarsan ay dhacdada maanta Ku lug leedahay,wararka qaar ayaa sheegaya in gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay uu ku qarxay goob ay dad ku sugnaayeen waxaana laga yaabaa in dhimashada iyo dhaawacu sii kordhaan.
Halkan Ka Dhageyso Tarsan Oo Ka Qeylinaya Fisqiga Kajira Xeebta Liido Digniinna u diray Dadka Dibadaha Ka yimid ee Fisqiga ka wada caasimadda MP3
Gaadiidka Caafimaadka Ambalaasta ayaa kusii qulqulaya goobta wararka qaar ayaa sheegaya in rasaas culus laga maqlayo goobta wax ka dhaceen.
Gaadiidka Dab Damiska oo goobta qaraxu ka dhacay gaaray ayay u suurtageli weysay in ay galaan sabab laxariira ciidan isku gedaamay Hoteelka
Liibaan Jeexow Cabdi
SomaliMeMo Muqdisho
Nagasoo Booqo
SomaliMeMo24.com
SomaliMeMo.SO
SomaliMeMoNews.com

nabiil cali xaaji
said:
|
... allaahu akbar allaahu akbar allaahu akbar waxaa mahad iskaleh allaah subxaana wataacaalaa oo mahad iskale waxaan mahad ucelinaynaa walaalaha maanta falka ismiida minta ah kafuliyay baarka ugu fisqiga weyn ee muqdisho. waxana usheegeyne dadka gale in ay kaquusqaatan ee na kafo gaadaan baararka fisqiga lagusameeyo. |
musa2
said:
|
... Idinka maskaxiyan dhaqtar ayaad u baahan tihiin walaahi caafimaadkina waxba si ka ah. |
Suldan yare
said:
|
... Allahu akbar allahu allahu allahu akbar walilaahil xamdu allah aya ku mahadsan surtagaliyey camaliyaddan qiimaha badan waxana ku tilmami karna iney tahay tilabo muhim ah oo lagu yareynayo fisqiga wexeyna dignin kulul utahay dadka ku howlan fafinta fisqiga&fasadka |
Wadaad Yare Muslim ah
said:
|
... Horta qaraxan aniga waan soo dhaweynayaa wax fiican waaye in laga naxsado kuwa tumasha iyo fisqiga ku haya magaalada sida muuqata cidda qaraxa fulisay uguma talagelin in ay dad badan layso ee waxay dirayeen digniin ah Liido Fisqiga uma ogolin |
Abu-ali0
said:
|
... masha'allaah qaraxan waa lalasoo daahay mar hore ayay aheyd waxaan taageersanahay digniinta tarsan kasoo yeertay waa runtiis dabada haka garaacyo habraha dibadda ka yimid ee niikada iyo fisqiga ka wada Liido. waa sax qaraxa maanta lalama rabin in dad badan lagu laayo sababtoo ah haddii dad in lalaayo larabo meel istiraatiiji ah ayaa la dhigi lahaa waxay u muuqataa hayeey iska ilaali waan joognaa anagoo murqa kuusan fisqi maya kkkk |
Abshireey
said:
|
... Walee waxaa hubaal ah qoomjan somalimemo maamula in eey yihiin cadowga nolosha. Waxaase ka sii hubaal ah in eey maskixiyan Xanuun San yihiin. |
Wadaad Yare Muslim ah
said:
|
... way ku mahadsantahay somalimemo sida ay warkan ukala rogrogtay runtii wariyaha warkan qoray meelo badan ayuu soo xigtay |
Faarax Maalin
said:
|
... somalimemo caadi matihidiin ........... Nuur Doobne yaa idin bare iyo qasim maxamed nuur |
Bondhere
said:
|
... masha'allaah meeshan in lasii qarxiyo waan jeclaan lahayn lkn yaa awoodo ayay su'aashu tahay ilaahow liido tusunaami ku kici fisqi baa kajiree |
Bondhere
said:
|
... aniga waxaan aaminsanahay in tarsan howshan ka dambeeyo sababtoo ah waxaa jira khilaaf udhexeeya maamulkiisa iyo kuwa liido lacagta badani kasoo gasho |

