Maanso Cusub:Baybal Xoojiye Waxaa Tiriyay Wariye Cabdullaahi Soomaali.
Saxafiga Cabdullaahu Yaasiin Jaamac oo Kamid ah Wariyaasha Ka Howlgala Idaacadda Islaamiga Al-Furqaan ahna Abwaan Wax Curiya ayaa Shabakadda Islaamiga SomaliMeMo24.com soo gaarsiiyay Maanso uu ku Cabirayo dareenkiisa ku aadan qaabka ay saxaafadda qaar wararka uga tebiso dalka Soomaaliya ee cadawga shisheeye kusoo duulay iyo Wariyaasha la shaqeeya cadawga.
FG.Aragtida Maansada Waxaa Leh Qoraaga SomaliMeMo Wax Lug kuma lahan.
A.S.C.W.W.T.
Mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatay, Naxariis iyo Nabad gelyo Nabi Muxamed Korkiisa ha ahaato.
Maansadaan waxaa la yiraaddaa Baybal xoojjiye
sida Dhiil Haruubka laga qaaday waxa ku jira loo arko oo kale ayaa wariyahana kolkuu hadlo laga dareemayaa wixii Uurkiisa ku jira.
waxa hadalkiisa ka Muuqanaya waxa uu Neceb yahay oo in la Suuliyo uu jeclaa lahaa iyo wuxuu jeclaa lahaa in la hirgeliyo.
Dagaalka Maanta Aduunyada ka holcaya ee Gaalo iyo Muslimiin u dhaxeeya labada Safba wariyaal ayaa ku jira.
qolo Xaq ayay difaaceysaa, qolana Baadilka ayay difaaceysaa.
(aanu eegno qoladii Ciribteeda dambe wanaagsanaaato, Nin baa laga hayaa in yy yiri “ha la dhowro Dhaankii maqnaa wuxuu war soo dhoobo”).
Maansadaan oo la yiraahdo Beyl Xoojjiye waxa ay ka hadlaysaa qolada Sandareerto raaca ah ee ku qanacsan dhaqaalaha yar oo Gaaladu siinayaan.
waxa ay la safteen Cadawgii Ilaahay, oo la Dagaalamaya Diinta Islaamka.
sida aan og naahay Gaalada qaar waxa yirahaadaan, Ciise ayaa Na abuuray, qaar lo’ ayay caabudaan, qaar Tintooda ayay caabudaan, qaarkood waa Mulxidiin oo waxa ay ku leeyihiin annaga ayaa iska ahaanayoo Dabaceeadda ayaa na abuurtay.
dadkeenna Muslimiinta ah waxaanu ku dheganahay in Alle Mooyee aanuu jirin Alle kale oo Xaq lagu Caabudo, Maxamedna uu yahay Rasuulkiisal (NNKH)
waxa aanu la soconaaa in Gaaldu Ilaahay cadawgiisa yihiin.
isweydii marka Nin ilaahay cadawgiisa ah oo Neceb oo dagaal kala dhaxeeyo, oo Kitaabkiisa dab ku qabtay oo ku saxarooday, sidee ayuu adiga oo leh Ilaahbaan amarkiisa u hogaansanahay kagu jeclaanayaa?
nimanka Ceynkaa ah kuwa ku safka ah ayay tixdeydu ku wajahan tahay.
waxa aan la socanaa Maanta wariyaha Soomaaliga ah ee u shaqeeya Warbaahinta Gaalada ama midda ay dhaqaalaha ku bixiso, Dagaalka ay Muslimiinta iyo Diinta Islaamka kula jiraanu in uu ka daran yahay kan Gaaladu wadaan.
Habeen dhawd markii dadku seexdeen ayaa hurdadii iga tagtay kolkaas ayaan bilaabaay gunuunac iyo Fikir badan aniga oo xasuusan kuwa aanu Magaca Saxafi isla wadano ee dhalasho ahaan aan iga fogeyn sida ay Gaalo u difaacaan Muslimiinta iyo Diinta Islaamkaan u beegsadaan.
markaas ayay Maskaxdeyda ku soo dhaceen erayo ka mid ah Tixdaaan la yiraahdo Baybal xoojjiye oo aan ku Muujinayo sida nimankaani ugu kobo beeleen dagaalka Islaamka ka dhan ah.
iyadoo qabyo ah Maansadu ayaan seexday malmihii dambe ayaanna dhameys tiray.
dadka qaar gaar ahaan kuwa warfaafinta ka shaqeeya waxaa laga yaabaa markay Maansadaan arkaan ama ay qoraalkeyga akhristaan in ay yiraahdaan Cabdulaahi Soomaali dhexdhexaad ma ahan oo waa wariye dhinac u badan.
Muslimi iyo Gaal wixi ka dhaxeeya waa Munaafiq oo labada dhinacba midba mar u sheega in uu iyaga la jiro kaasna Ilaahay igama dhigo, anigu dhexdhexaad kama ahi Xaq iyo Baadil, Xagjir Islaamku agtiisa ka weyn yahay Muslimiintana jecel Gaalada iyo wixii la socdana Neceb ayaan ahay.
Bah Makaroofan Gaalo waxa ay Carrabka ku taageeraan Gumeysstaha Dalkeena qabsaday, sida askarta Itoobiya, Burundi, Kenya waxaanay Nabad diid ku sheegaan Mujaahdiinta wadaniyiinta ah.
Meel kasta oo Gaaladu qabsadaan oo Dalkeena ka mid ah waxaa Ciidda lagu jiidaa ama lagu gubaa Raayada Towxiidka, waxaana laga taagaa Calanka Saliibiga taas ayayna ku qancsan yihiin.
intaanan Mansada idiin soo gudbin waxaan idin leeyahay kuwa aan ka hadlayow, dib u soo noqda oo Dalkiinna iyo Diintiina iyo dadkiina Gees ka difaacda.
Xaqiiqadii Aduun iyo Aakhiro waa kala badan yihiin waxa aad taageeraysaana waa cadaw Ilaahay, Allena waa kuu jeedaa ee sidii adigoo arkaya uga baq oo ka fogoow Cadawga Ilaahay ee aad barbar joogto.
Badar dhuun la mariyoo,
Goortuu bu’weyn tago,
Beddelmoo uraayiyo
Nin bariis u leexdoo,
Uga Beyra Diintoo,
Duhurkii baqooloo,
Geesta kale biiroo,
Baadil sare u qaadoo,
La bahoobay Gaaloo,
La saxiixday Beycoo,
Barbar jooga baa tahay.
Nin balaayo qaadoo,
Buur ka soo faniinoo
Booraan ka hoobtoo,
loo baqo naftiisoo,
bahaahine ayaa tahay.
Bacad iyo habaas iyo,
Ninka Boor dhex jiifee,
Biyo aan is marinoo
Busku Medeb rogaad tahay.
Nin badweyn dhex joogoo,
Mowjadaha biyaha iyo,
Dabeyluhu balfinayaan,
Hadba gees u badiyaan,
Berri in uu ku noolyahay,
Baahinaaya baa tahay.
Bullo Gaddoon iyo,
Bolooley Nin faanshoo,
Islaam beylah yeeloo,
Beybal xoojiyaad tahay.
Axad baadiyooboo,
Xaq baal ka qaadoo,
Buuraha talaaboo,
bahal daran godkiisii,
u badbaado raadsaday,
is biimeeyey baa tahay.
Bashar hoogay baa tahay,
Dalkiis bi’iya baa tahay,
Wax baqtiyay ayaa tahay,
Buun shisheeye baa tahay,
Xumaan Baahiyaad tahay,
Biidhe qaata baa tahay,
Badaw liitabaa tahay,
Boqno gooye baa tahay,
Biinso iyo Gerweyn iyo,
Burris Cadaw ayaa tahay.
Nin wadada ka Beyroo,
waxaad tahay bariiqdoo,
Boosa neer kudhacayoo,
bullaacado dhexdoodiyo,
Ban dabaalanaayoo,
bafaruun u haystoo,
Boqor sare in uu yahay,
ku xariiqday buugaag.
Sida Xamar baxdooyoo,
biriq sideed u duuloo,
Bullay iyo Baroor iyo,
Ashkir beden qurxoon iyo
Ceynab beratamaayaan,
Xawaaraha u booboo,
Bootin ugu hawoodoo,
Hadafkiis u beegsado,
Adaa belo u hiigsada,
Boogaha damqayoo,
Bushi daran abuuroo,
U birmada kufaaroo,
Buun buuninaayoo,
Boro bagaan u fidiyoo,
Balan adag la gaaroo,
Beesa ugu shaqeeyo,
Yees Boos ku dhaha oo,
Bareemiyo ka sugayoo,
Buntukh lagu dagaaliyo,
Uga dhigan bir adagoy,
nagu baacsanaayaan.
Binti hooyadii iyo,
Barni ina adoogii,
Nin Bilcaanti uu qabay,
buuryo qabuhu fuuloo,
Baroortiyo Xanuunkiyo,
Balawgiyo cataawgiyo,
Ciilka degay bogoodiyo,
ilintooda bixi iyo,
indhahay ka barareen,
u bogaaya baa tahay.
Nin Yuhuud bogaadshoo,
Nasaarada u beer baxa,
Maalintey ba’aanoo,
Baaruuddu leysoo,
Meydkoodu badan yahay,
Dhaawacuna is baal yaal,
Balawgoodu yeeraa,
Uur bukooda baa tahay.
Gaalada bohowdayi
Maalintey Bulaalaan,
Ciidan baaxad weynoo,
Banaadiikh la siiyoo,
Baadarigu soo diray,
Bulshadeenna laayaan,
Hantideena boobaan,
Fisqi beecinaayaan,
Beel daajihii iyo,
Wiilkii barbaariyo,
Geesigii banaan yaal,
Cadaw Babac u dhigi kara,
Beri kii wax ka qaba kara,
Culumada Bireeyaan,
gaaleysiin bilaabaan,
Nin bogsoodabaa tahay.
Eey Balaq la siiyoo,
Balaakoonka Gurigiyo,
Barxad hore fariistoo,
Bartamaha habeenkii,
Wixii soo bidhaamaba,
Beegsanaaya baa tahay.
Qoon Ilaahay Beeniyay,
In ay Naartu boobee,
Bartankeeda tagayaan,
Rabbi noo bayaaniyay,
Baadiyoobay waa hore,
Ninka Beyd la joogoo,
U baraan buraad tahay.
Diinteena baraxtiran,
Nin Baasiin ku daadshoo,
Ku bilbiley Shidaaloo,
Dab ku baahiyoo gubay,
Saxarada barteediyo,
Musqulaha barqadi dhigay,
Beydkii Ilaah gubay,
Nin uu soo barbaarsaday,
Xakamo aan la bixin iyo
Bool adag ku soo xiray,
Barti loo tilmaamiyo,
qorshihii la soo baray,
u bareera baa tahay.
beldaankoo Nabdoonoo,
Badarkii dalkeeniyo,
Baaryar Caaneheediyo,
Baruur laga cunaayoo,
Diinta lagu baraayoo,
Beydkii Ilaahay,
Salaadaha la buuxshoo,
Bushi iyo Colaad iyo,
aan baas ka jirinoo,
Bulshadi is jeclaadeen,
isu Beer nuglaadeen,
Ninka Been ka sheegoo,
Ba’ya hoog ka tebiyoo,
Aduunyada ku baahshoo,
Buuq iyo sawaxan iyo
Bulaan daran abuuroo,
gaalo bootadeediyo,
Bowdo qaawiskoodiyo,
warka bururugtaa iyo,
Beenta iyo qiyaanada,
nagu beer jaraa tahay.
Bilaawiyo Hangool iyo
Budka iyo Masaartiyo
Beynaadda Gaalkiyo,
Buunda uu dul mara iyo
Baqal uu Hub saartiyo
Boobihiisi baa tahay.
Ninka Zinada baafshoo,
Lacag badan ku qaatee,
Barta la isku fuuliyo,
Liido beri samaad yiri,
Baqdintii Ilaahay,
Beri hore ilooboo,
Laga tiray boggiisoo,
Baadinkiisa Daxal iyo
Bar madow la saaroo
wixi lagu bogsoon iyo
Baxnaanada ka doodoo,
Bushimaha kuwiisaa,
wax Shaydaanku beegoo,
ugu Beeray Laabta
Ka soo baxaan ayaa tahay.
webi soo butaaciyo,
Ishi Baydhabood iyo,
Ceel booya maahiye,
waxaan uga baxaayaa,
Naftu baaqi baahoo,
way bixi dhawaanoo,
Baryo laguma qaadee,
Beenley Aduunyiyo,
bohola ka soo noqo,
kuwa Nabiga Beeniyay (SCW),
ka baraa'a qaadoo,
Berri Maalin Aakhiro,
in aad Boos la joogtoo,
Mira baas la guratoo,
Naar Baad u noqto.
ka baqoo, Ilaahay,
bariyoo u soo noqo.
waxaa tiriyay Cabdulaahi Yaasiin Jaamac (Cabdulaahi-soomaali)

Xaawa
said:
|
... Bashar hoogay baa tahay, Dalkiis bi’iye baa tahay, Wax baqtiyay ayaa tahay, Buun shisheeye baa tahay, Xumaan Baahiyaad tahay, Biidhe qaata baa tahay, Badaw liitabaa tahay, Boqno gooye baa tahay, Biinso iyo Gerweyn iyo, Burris Cadaw ayaa tahay Asc wr wb! Allaaaaaaaaahu Akbar. MaashaaALLAAH! Ilaahay ha xifdiyo abwaanada iyo saxafiyiinta Muslimiinta. Runtii wuxuu qeexay oo si cad u tilmaamay waxay ay saxafiyiinta gumaystuhu yihiin. |
Faarax Maalin
said:
|
... masha'allaah kheyr allaha siiyo abwaanka wariyaha si xikmadeysan ayuu uga hadlay xaqiiqda saxaafadda muqdisho |
xaaji
said:
|
... maansadaan la wareeraye, ma bashiir salaad bay ku socotaa mise eratariga ina idriis? |
xuseen geedoow
said:
|
... fadlan walaal maansado cod hanooga dhigo si ay dhaxal gal dadka ay dhageystaan u noqoto maadaama dadka intiisa badan ay dhageysiga ku fiicanyihiin |

