Saxaafadda Muqdisho oo Si Weyn Uga Carootay Kulan ay La qaateen Ra’iisul Wasaare Saacid (Warbixin+Dhageysi)

Written by Maamul on .

Ra’iisul Wasaaraha DF Cabdi Shirdoon Saacid ayaa shalay Xafiiskiisa kula kulmay qaar ka tirsan Saxaafadda Magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu soo xulay nin-jecleysi iyo qabyaalad si loogala hadlo arrimo ku saabsan sidii ay Taageero Buuxda  u siin lahaayeen Dowladda uu hogaamiyo.

Sida aan kasoo xiganay qaar ka tirsan Saxafiyiintii ku sugnaa goobta uu ka dhacay kulanka waxaa goob joog halkaasi ka ahaa Ra’iisul Wasaare Saacid iyo Wasiirkiisa Warfaafinta C/llaahi Ciil-mooge kuwaasi oo Saxaafadda uu ka codsaday inay Dowlada Taageeraan, Dowladuna ay dhankeeda ka caawin doonto Saxafiyiintaas sidii Ammaankooda ay u sugi lahayd.

Saxafiyiintii goobta ku sugnaa ayaa noo sheegay in ay fajaciso ku noqotay in dadkii u hadli lahaa ay Dowladdu iyada soo xulatay ee aanan Suxufiyiinta xoriyad loo siisinin in ay Qofkey doonaan uu u hadalo, Waxaana Xubnihii Dowladu ay soo xulatay ay goobta ka jeediyeen Gabayo iyo Heeso ay ku ammaanayaan Ra’iisul Wasaaraha ayna Wacad ugu marayaan inay Taageero dhanka Afka ah ay u fidin doonaan.


Sidoo kale Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Dowladu ay goobta kusoo bandhigtay nin ay ku tilmaamtay inuu yahay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed kaas oo ay Wariyayaasha Muqdisho muran iyo Buuq badan ka keeneen Maadaama aysan Jirin Qof ay Xilkaas iyagu u Doorteen Balse ay Dowladu Iyada keensatay.

somalimemo.net

Arinta ay Saxafiyiinta intooda badan ka caroodeen ayaa ahayd in Ra’iisul Wasaaruhu uu Ballan qaaday in uu Lacag Qiimaheedu gaarayso  $50,000 “Konton Kun oo Dollar” uu abaal marin u siin doono Qofkii soo sheega qof Wariye dilay, Arinkaas oo ay Saxaafada Muqdisho u aragtay Jees-Jees iyo kudigasho toos ah oo loo geystay Maadaama Dowlada Mudane Saacid ay Xabsiga ku haysato Wariye loo xiray Waraysi uu ka qaaday Haweeneey Qaxooti ah oo ay Ciidamada Dowladu Kufsadeen.



somalimemo.net

Markii uu Kulanku Soo Dhamaaday ayaa waxaa la arkayay Wariyayaasha intooda badan oo Madaxada laalaadinaya kadib markii ay Niyad Jab Xoog leh kasoo qaadeen Kulanka ay la qaateen Mudane Saacid, Waxayna Qaarkood bidhaamiyeen in Hadallada Ra’iisul Wasaaruhu wax ay wanaajiyaan iska daaye ay keeni karaan in Ugaarsi horleh ay la Kulmaan.

Yabooha Lacageed ee RW Saacid wuxuu u dhiganyahay “Suuq Geynta Saxafiyiinta”.


Wariyaal codkooda lagasii daayay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in balan qaadka lacageed ee Saacid yaboohay ay tahay hala ugaarsado saxafiyiinta talaabadaasina ay dhalin karto in ugaarsiga saxafiyiinta lalaayo.


Saxafiyiinta Muqdisho oo dhibanayaal ah ayaa cabsi ka muujiyay in maleeshiyaad dowladda taageersan ay toogtaan saxafiyiinta kuwa kalane ay kuwa dilka geystay usoo qabtaan si ay ukala qeybsadaan lacagta kumanaanka ah ee Saacid Yaboohay!!.

Halkan Ka Dhageyso Wariyaasha Oo  Yaboohii Saacid U Arka Suuq Geyn Cusub MP3

Ama Ku dhageyso Flash Player




SomaliMeMo24.com,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it