Sanbaloolshe "Warbaahinta Muqdisho Waa in loo Xakameeyo sida ay Dowladaha Masar iyo Turkiga u Xakameeyeen Warbaahinta" Dhageyso.

Monday September 22, 2014 - 10:27:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanbaloolshe "Warbaahinta Muqdisho Waa in loo Xakameeyo sida ay Dowladaha Masar iyo Turkiga u Xakameeyeen Warbaahinta" Dhageyso.

    Taliyihii hore ee Nabad sugidda Dowladda Federaalka ayaa shaaciyay in caburintii uu ku sameeyay saxaafadda madaxa banaan ee magaalada Muqdisho ay aheyd mid isaga gaar u aheyd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyihii hore ee Nabad sugidda Dowladda Federaalka ayaa shaaciyay in caburintii uu ku sameeyay saxaafadda madaxa banaan ee magaalada Muqdisho ay aheyd mid isaga gaar u aheyd.

Sanbaloolshe oo warbaahinta dibadda lahadlay ayaa sheegay in caburinta warbaahinta ay qeyb weyn ka tahay ladagaalanka xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Wuxuu qiray in Al Shabaab ay leeyihiin warbaahin xooggan oo ay dagaalkooda u adeegsadaan balse wuxuu ka been sheegay warbaahinta Muqdisho oo uu laxariiriyay mujaahidiinta.

"Medi-yahu waa meesha ugu daran ee Al Shabaab ku dagaalamaan 90% codadka madaxda Al Shabaab in dadka lagaarsiiyo waa khalad,waa in laxakameeyo warbaahinta waana waxa kaliya ee aan ka dardaarmayo waa in warbaahinta wax laga qabto”ayuu yiri Sanbaloolshe.


Caburinta saxaafadda ayuu sheegay in DF-ka ay uga dayatay wadamada Masar,Turkiga iyo Ruushka isagoona ugoodiyay saxaafadda madaxa banana.

Maalmo ka hor ayay saraakiisha Nabad sugidda kulan uqabteen madaxda warbaahinta waxaana idaacadaha Muqdisho laga mamnuucay baahinta wararka ku saabsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Related Items