Askar Kenyaati Ah oo Lagu Dilay Degmada Badhaadhe iyo Ciidamada Mujaahidiinta oo lawareegay deegaanno Gedo Katirsan.

Monday September 22, 2014 - 14:09:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar Kenyaati Ah oo Lagu Dilay Degmada Badhaadhe iyo Ciidamada Mujaahidiinta oo lawareegay deegaanno Gedo Katirsan.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay maanta barqadii ka dhaceen degmada Badhaadhe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay maanta barqadii ka dhaceen degmada Badhaadhe.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada mujaahidiintu ay weerareen saldhigyada ciidamada gumeysiga Kenya ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidanka mujaahidiintu ay toogteen laba askar Kenyaati ah oo ilaala ka hayay saldhig gudaha degmada Badhaadhe kuyaal oo askarta Kenya deganyihiin.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada muslimiinta ee weerarka qaaday ay muddo saacada ah gacanta ku hayeen saldhigga ciidanka Kenya iyagoona markii dambe dib ugasoo gurtay degmada Badhaadhe.


Dhinaca kale ciidamada muslimiinta ayaa dagaal kula wareegeen deegaanno hoos yimaad degmada Luuq ee wilaayada islaamiga Gedo.

Mujaahidiinta Soomaaliya ayaa xoojiyay dagaalka halganka ah oo ay kula jiraan ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa kale ee Afrikaanta soo duulayaasha ah ee ku sugan Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Related Items