Meydka Haweenay Si Xun loo dilay oo lasoo dhigay Xeebta Magaalada Baraawe.

Monday November 12, 2018 - 13:07:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Meydka Haweenay Si Xun loo dilay oo lasoo dhigay Xeebta Magaalada Baraawe.

    Wararka ka imaanay magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dablay hubeysan ay fal kufsi ah kula kaceen mid kamida dumarka magaaladaasi kunool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanay magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dablay hubeysan ay fal kufsi ah kula kaceen mid kamida dumarka magaaladaasi kunool.



Meydka haweenay 28 sana jir ah ayaa lagu arkay xeebta magaalada Baraawe sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, Meydka oo lageeyay isbitaalka guud ee magaalada ayaa la sheegay in lagu arkay calaamado muujinayay xadgudub baaxad leh oo ay ugeysteen kooxihii haweenayda kufsaday.

Agaasimaha Isbitaalka magaalada Baraawe ayaa sheegay in baaritaan ay ku sameeyeen Meydka ay ku ogaadeen in qofka dumarka ah lakufsaday kadibna ladilay oo lagu tuuray meel badda ku dhow.



"Markii aan baarnay waxaan ogaanay in dhowr rag ah ay gabadha kufsadeen,waxaa sidoo kale jirkeeda ka muuqday jirdil xoogan iyo Masarkii ay wadatay lagu ceejiyay, dhiig ayaana jirkeeda ku daadsanaa" ayuu yiri agaasimaha isbitaalka oo warbaahinta lahadlay.

Dadka deegaanka ayaa falkaan ku eedeynaya in ay geysteen ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo bilihii lasoo dhaafay kufsi baahsan ugeysanayay dumarka ku dhaqan magaalada Baraawe.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items