Taliye Ku Xigeenkii Degmada Balcad oo Weerar Gaadmo ah Lagu Dilay iyo Ciidamada Al Shabaab oo Gaadiid Qabsaday.

Monday September 22, 2014 - 21:05:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taliye Ku Xigeenkii Degmada Balcad oo Weerar Gaadmo ah Lagu Dilay iyo Ciidamada Al Shabaab oo Gaadiid Qabsaday.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in weerar gaadma ah oo galabta ka dhacay duleedka degmada Balcad lagu dilay askar iyo saraakiil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in weerar gaadma ah oo galabta ka dhacay duleedka degmada Balcad lagu dilay askar iyo saraakiil.

Ciidamo si gaar ah utababaran oo katirsan shabaabul Mujaahidiin ayaa wadada ugalay kolonyo gaadiid ah oo uu watay taliye ku xigeenka booliska degmada Balcad.


Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in taliye ku xigeenkii booliska ladilay kadibna waxaa bilaawday dagaal culus.


Ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dagaalka ku qabsaday sedax gaari oo kala ah NOHA,Caasi iyo qooqan,sarkaal katirsan xarakada Al Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankoodu ay dileen 13 askari islamarkaana ay furteen hub iyo gaadiid.



Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in laba gaari oo Cabdi bile ah ay si dirqi ah uga baxsadeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin

Weerarkan khasaaraha badan dhaliyay wuxuu ka dhacay deegaanka Ceel-garweyne oo u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Taliye ku xigeenka ladilay ayaa magaciisa lagusoo gaabiyay Cumar Dheere sidoo kale waxaa dhaawac garaab ah noqday guddoomiyihii waaxda Xaawa Taako ee degmada Balcad.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in meydadka Askarta DF-ka caawa maqribkii laga daadgureeyay goobtii lagu dagaalamay halka ciidankii Al Shabaab ee weerarka fuliyay ay goobta isaga dhaqaaqeen iyagoo horay usii kaxaystay gaadiid ay qabsadeen sidoo kale hal askari ayay nolosha ku qabteen ciidamada Mujaahidiinta.


Dhanka kale Dowladda Federaalka ayaa qiratay in 7 askari laga dilay oo uu kamid yahay taliye ku xigeenkii Balcad

Related Items