Dhageyso:Maxkamada Islaamiga Ah Ee Magaalada Xarardheere Oo Xukun Islaami ah Fulisay.

Tuesday September 23, 2014 - 11:43:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Maxkamada Islaamiga Ah Ee Magaalada Xarardheere Oo Xukun Islaami ah Fulisay.

    Xukun xadu sariqa ah ayaa gilinkii dambe ee shalay ka dhacay Gudaha degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug,kadib markii Maxkamadda maamulka islaamiga ee degmadaasi ku xukuntay in gacanta laga gooyo nin lagu magacaabao Saadaq Cabdi Axmed oo da'dii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukun xadu sariqa ah ayaa gilinkii dambe ee shalay ka dhacay Gudaha degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug,kadib markii Maxkamadda maamulka islaamiga ee degmadaasi ku xukuntay in gacanta laga gooyo nin lagu magacaabao Saadaq Cabdi Axmed oo da'diisu tahay 27 sano jir kaasi oo qirtay in guri kuyaala magaalada Xarar-Dheere ka xaday Lacag dhan 11 malyan 880Shilin Soomaali ah'waxaana ay taasi keentay in Saadaq uu gacantiisii midig ku waayo xukunkaasi ay maxkamaddu soo saartay.



Sadaq Cabdi Axmed, ayaa galinkii danbe ee shalay lassoo taagay halka ay gacan goyntu ka Dhacday oo ahayd fagaare kuyaala degmada xarardheere,waxaana fagaarahaasi xukunka Uu kadhacayay lagu arkayay shacabka kunool degmada Xarar-Dheere oo isugu soo baxay.

Markii la shaaciyay inay gacan-goyntu bilaabaneyso, ayaa waxa la maqlayay shacabka oo Ku dhawaaqayay Takbiirta, iyadoo qof waliba uu doonayay in uu indhihiisu ku arko sidii Ay wax u dhacayeen, waxaana ammaanka goobta gacanta ku hayay Ciidamada Amniga oo Loo yaqaan Xizbada ee magaalada Xarardheere.

Qaadiga maxkamada maamulka islaamiga degmada Xarar-Dheere ayaa goobta fagaaraha Xukunka kaga dhawaaqay.



Halkan ka dhageyso qaadiga oo xukunka ridaya MP3

Xigasho:Webka Calamada


Related Items