Wadanka
Uganda warar laga helayo ayaa sheegaya in xukuumaddu ay ciidan isugu jira
Police iyo Military ay udaad guraysay
dhanka magaalada Liira, kadib markii cabsi xooggan ay lasoo gudboonaatay dadka
Ajaanibta ah ee maal gashiga ganacsi ka sameystay magaaladaas iyo magaalooyin
kale oo dhawaca woqooyiga wadanka, kuwaas oo waayadan dambe Hanjabaado kala
kulmayey dadka deegaanka ah.
Ugu yaraan
50 Shirkad oo ay leeyihin ganacsato u dhashay wadanka Shiinaha oo maalgashi ku
sameystay wadanka Uganda ayaa hanjabaadahan ula kulmay si isku mid ah, qaarkood
ayaana hakad galiyey wax soo saarkoodii joogtada ahaa iyagoo naftooda u
baqanaya, arrinkaas oo qasbay in dowladdu ay ciidan geyso magaalooyinka dhaca
woqoyiga wadanka si loo ilaaliyo dadka ajaanibta ah.
Hanjabaadaha
ayaa yimid kadib markii 2 Nin oo la sheegay in ay asal ahaan kasoo jeedaan
wadanka Shiinaha ay dileen arday 11 sano jir ah oo u dhashay wadanka Uganda,
kaas oo ay ku dhex ceejiyeen gaari kuwa adeegyada qaada ah oo ay wateen, arrinkaas
ayaana dhaliyey caro xooggan oo dadka deegaanka saameyn ku yeeshay.
Waxaa lagusooo waramayaa in magaalada Lira ay ka
dhecen dibad baxyo xooggan oo ka dhan ah dadka ajaanibta ah, kooxo dhalinyara
ah ayaana weerar ku qaaday suuqyo ay lahaayeen dad ukala dhashay wadamada
Hindiya iyo Shiinaha, inkastoo ciidanka Police-ka ay kasoo gaareen oo ay
badbaadiyeen dadkii ganacsatada ahaa ee weerarka la kulmay.
Shirkado laga Leeyahay Wadanka Shiinaha Oo Ku Goodiyay in ay isaga baxayaan Wadanka Uganda.
Kumanaan maalgashayaal shisheeye ah ayaa billaawday in ay isaga firxadaan magaalo katirsan wadanka Uganda oo ay fatqalado kajiraan.