Howlgal Nafhurnimo oo tobanaan askari lagu dilay ayaa ka dhacay dalka Afghanistaan.

Thursday November 29, 2018 - 11:22:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Howlgal Nafhurnimo oo tobanaan askari lagu dilay ayaa ka dhacay dalka Afghanistaan.

    Wararka ka imaanaya dalka Afghanistaan ee muslimka ah ayaa ku waramaya in habeenimadii xalay ciidamo katirsan Imaarada ay duulaan ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaala magaalada Kaabul ee caasimadda wadankaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Afghanistaan ee muslimka ah ayaa ku waramaya in habeenimadii xalay ciidamo katirsan Imaarada ay duulaan ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaala magaalada Kaabul ee caasimadda wadankaas.


Weerarka waxaa qaaday istish-haadiyiin katirsan Imaarada islaamiga ee Afghaanistaan, waxaana gudaha saldhiga u daatay ciidama aad u hubeysan waxyar kadib markii ay dhacday camaliyadda lagu daahfuray howlgalka.

Xarunta la beegsaday waxaa lagu magacaabaa Joorjaa waxayna ku taallaa mandiqadda sagaalaad ee magaalada Kaabul, aadna loo adkeeyo amaankeeda.

Waxaa saldhiga ku sugnaa boqollaal askar iyo saraakiil ah oo katirsan Shisheeyaha duulaanka ku jooga dalka Afghaanistaan iyo malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul, waana goobta laga soo abaabulo weerarada habeen dheelmadka ah ee ciidamada Maraykanku kusoo qaadaan gobollada kala duwan ee wadanka Afghaanistaan.



Weli lama hayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalkan oo dhacay habeenkii xalay, waxana dadka goobjoogayaasha ah ay sooo sheegayaan iney arkayeen uuro iyo qiiq madow oo isku shareeray hawada saldhigga.

Imaarada islaamiga ee Afghaanistaan oo durba sheegatay mas’uuliyadda howlgalkan ayaa shaaca ka qaaday inuu jawaab u yahay ciidamada Maraykanka ee caadeystay iney shacabka masaakiinta ah ku xasuuqaan gobollada ka baxsan gacanta xukuumadda taagta daran, ayna maamusho Imaarada islaamiga ee Afghanistaan.

Isha qoraalka: Radio Alfurqaan

Related Items