Max'med Mursal Oo Ka Fakaday Villa Somalia Go'aanna kasoo saaray Mooshinka ka dhanka ah Farmaajo.

Wednesday December 12, 2018 - 14:24:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Max'med Mursal Oo Ka Fakaday Villa Somalia Go'aanna kasoo saaray Mooshinka ka dhanka ah Farmaajo.

    Waxaa sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii boqolaal xildhibaan ay gudbiyeen dacwad ka dhan ah Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii boqolaal xildhibaan ay gudbiyeen dacwad ka dhan ah Farmaajo.


Markii ugu horraysay Max'med Mursal oo ah guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka jawaabay eedeymo maalmihii lasoo dhaafay uga imaanayay guddoomiye ku xigeennadiisa iyo xildhibaanno taageersan madaxtooyada.

Mursal oo ay la socdaan tobanaan xildhibaan ayaa maanta isaga guuray xaruntii uu ka deganaa Villa Somalia wuxuuna degay Hotel Shabelle oo ku dhow xarunta hay'adda UNDP oo ammaankeeda si aad ah loo adkeeyo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in guuritaanka Mursal ay timid kadib markii Kheyre iyo Farmaajo ay saareen cadaadis siyaasadeed ayna xayiraad kusoo rogeen dhaq dhaqaaqyadiisi siyaasadeed.


Xildhibaannada kala ah Cabdi Raxmaan Odawaa iyo Mahad Saladaa ayaa xaqiijiyay in Max'med Mursal uu xuriyaddiisa dib uhelay islamarkaana 72 saac gudahood uu ka baxay go'doomintii.

Dhinaca kale Mursal ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha uu yahay mid sax ah islamarkaana dhowaan cod lagelin doono, wuxuu soo daliishay qodobo ku qoran dastuur gaaleedka udegsan dowladda Federaalka.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items