Qaraxyo Gaari looga Gubay Ciidamada Uganda oo Ka dhacay duleedka Magaalada Marka.

Wednesday December 12, 2018 - 21:23:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Gaari looga Gubay Ciidamada Uganda oo Ka dhacay duleedka Magaalada Marka.

    Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qaraxyo khasaara badan dhaliyay lagula eegtay ciidamada shisheeyaha AMISOM ee Soomaaliya kusoo duulay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qaraxyo khasaara badan dhaliyay lagula eegtay ciidamada shisheeyaha AMISOM ee Soomaaliya kusoo duulay.


illaa laba qarax ayaa maanta gelinkii dambe ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM lagula beegsaday deegaanno dhanka waqooyi uga beegan magaalada Marka ee xarunta u ah Sh/Hoose.

Qaraxa koowaad ayaa lala helay kolonyo gaadiid ah oo ku socdaalayay meel ku dhow deegaanka Shalaanbood waxaana qaraxaas ku gubtay gaari Taaw ah oo ay wateen ciidamada labeegsaday sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Daqiiqado kadib ayaa qarax kale lala helay ciidamo Yugaandheys ah oo ku lugeynayay inta u dhaxaysa deegaanka Buufoow iyo Shalaanbood, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadan sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items