Al Shabaab Oo Sheegtay in Ay Madaafiic Ku Weerartay Madaxtooyada Villa Somalia iyo qarax ka dhacay Buula Burde.

Saturday December 15, 2018 - 21:00:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegtay in Ay Madaafiic Ku Weerartay Madaxtooyada Villa Somalia iyo qarax ka dhacay Buula Burde.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa caawa maqribkii weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaaday madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa caawa maqribkii weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaaday madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.



Dhowr madfac ayaa la sheegay in lagu weeraray madaxtooyada xilli dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo aad u xooggan uu kajiray, war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay aheyd mid qorsheysan oo haleeshay hadafkii loogu talagalay.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntii caawa lagu qaaday qasriga madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Dhinaca kale ugu yaraan 2 askari ayaa ku dhaawacantay qarax xooggan oo maanta ka dhacay gudaha degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.



Goob Joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay goob isku imaatin ah oo ciidamada maamulka Hirshabelle ay uga sugnaayeen degmada Buula Burde, askar kale oo qaraxa ku dhaawacantay ayaa la dhigay isbitaalka ciidamada Jabuuti ay magaaladaas ku leeyihiin.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items