DF oo sheegtay in ay Xirtay Xabsiga Fadeexadda ku caanbaxay Ee Godka Jilacoow.

Sunday December 16, 2018 - 21:18:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF oo sheegtay in ay Xirtay Xabsiga Fadeexadda ku caanbaxay Ee Godka Jilacoow.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in albaabada laysugu dhuftay xabsiga fadeexadda ku caan baxay ee Godka Jilacoow kaas oo caan ku ahaa dhibaateynta shacabka muslimiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in albaabada laysugu dhuftay xabsiga fadeexadda ku caan baxay ee Godka Jilacoow kaas oo caan ku ahaa dhibaateynta shacabka muslimiinta.

Wasiirrada Cadaaladda iyo ammaana DF-ka oo shir jaraa'id ku qabtay gudaha Xabsiga Godka Jilacoow ayaa si wadajir ah u sheegay in xabsiga laga raray maxaabiistii ku xirneed lagana dhigi doono saldhig lagu tababaro ciidamada loogu yeero Nabad sugidda.

Godka Jilacoow oo saraakiisha Ashahaadda ladirirka DF-ka ay ku tacdiibin jireen maxaabiista ku eedeysan waxa loogu yeero Argagaxisada iyo dadka kasoo horjeedo maamulka Villa Somalia ayaa qeylla dhaanta laga muujinayo ay isisoo taraysay sanadadii lasoo dhaafay.

Lama oga sida ay dowladda Federaalka ufulin doonto ballan qaadkeeda ah in ay xirayso Xabsigan oo kamid ahaa meelaha ugu sumcadda xun dalka Soomaaliya.

Related Items