40 Askari Itoobiyaan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku Noqday Qarax lagula beegsaday gobolka Gedo.

Friday December 21, 2018 - 10:29:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    40 Askari Itoobiyaan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku Noqday Qarax lagula beegsaday gobolka Gedo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah.

Qaraxa oo dhacay saaka aroortii hore ayaa lala helay kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhanka degmada Dooloow waxayna sahay ugelbinayeen ciidamo kale oo ku sugan deegaanka Yurkut ee dhaca halka ay iska galaan gobollada Baay iyo Gedo.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay ay haleeshay gaari Uuraal ah waxaana la xaqiijiyay in dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen dhammaan ciidamadii gaariga la socday oo tiradooda lagu sheegay 40 askari.


Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Amxaarada ay ku hakadeen goobtii qaraxu ka dhacay halkaas oo meydad iyo dhaawacyo ay ka daabulayaan.

Xoogaga Al Shabaab ayaa marwalba ciidamada gummeysiga Itoobiya weeraro dhabbagallo ah iyo qaraxyo ku beegsada marka ay saadka melleteri isku gudbinayaan.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items