Al Shabaab Oo Howlgal Ka Dhacay Deegaanka Galgala Ku Dishay Saraakiil Katirsan Maamulka 'Puntland'.

Friday December 28, 2018 - 19:20:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Howlgal Ka Dhacay Deegaanka Galgala Ku Dishay Saraakiil Katirsan Maamulka 'Puntland'.

    Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in howlgal qorshaysan lagu dilay saraakiil katirsan maamulka isku magacaabay Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in howlgal qorshaysan lagu dilay saraakiil katirsan maamulka isku magacaabay Puntland.



Xoogag katirsan Al Shabaab ayaa galabta weerar ku qaaday goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen ciidamo iyo saraakiil katirsan maamulka Puntland ee deegaanka Galgala oo hoos yimaad magaalada Boosaaso.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in howlgalka qorshaysan lagu dilay ugu yaraan 2 sarkaal oo katirsan ciidamada Daraawiishta maamulka Cabdi Cabdi Wali Gaas, sidoo kale waxaa weerarka ku dhaawacmay hal askari oo xaaladdiisu aad u liidato.

War kooban oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda  weerarkan, isbuucii lasoo dhaafay ayey Al Shabaab silsilado howlgalla ah oo gallaaftay nolosha askar iyo saraakiil ka fulinaysay gudaha iyo hareeraha magaalada Boosaaso



SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items