Xasan Gurguurte Oo Weerar dhanka Afka ah ku Qaaday Farmaajo iyo Kheyre.

Sunday January 06, 2019 - 12:20:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Gurguurte Oo Weerar dhanka Afka ah ku Qaaday Farmaajo iyo Kheyre.

    isagoo meel fagaara ah kula hadlayay siyaasiyiin iyo dad isaga taageersan ayuu Xasan Gurguurte weerar dhanka Afka ah ku qaaday Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

isagoo meel fagaara ah kula hadlayay siyaasiyiin iyo dad isaga taageersan ayuu Xasan Gurguurte weerar dhanka Afka ah ku qaaday Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre.


Xasan Gurguurte oo muddo Afar sana ah madaxweyne u ahaa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa nidaamka Farmaajo ku eedeeyay caburin ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradsan iyo qaar badan oo kamid ah maamul goboleedyada dalka kajira.

Wuxuu sheegay in Kheyre iyo Farmaajo ay soo kordhiyeen dhaqan cusub oo lamid ah nidaamyada kaligood taliyayaasha ah ee kajira qaar kamid ah wadamada qaaradda Afrika, "Haddii labada aqal ee sharci dejinta ay leeyihiin sidaan kuma wada shaqeyn karno, haddii dowlad goboleedyadii xubinta ka ah dowladda federaalka ay leeyihiin sidaan kulama shaqeyn karno dowladda dhexe, haddii xisbiyada qaarkood ay ka cabanayaan in la caburinayo, lana baal marayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, sow ma haboona in habdhaqanka siyaasadda iyo sida wax u socdaan wax laga bedelo”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.


Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay xukuumadda Kheyre in ay ku fashilantay sugidda ammaanka magaalada Muqdisho ayna ku mashquulsantahay baacsiga siyaasiyiinta mucaaradsan halkii ay muhiimadda koowaad ay siin laheyd sugidda amniga gobolka Banaadir.

Warkan kasoo yeeray Xasan Gurguurte ayaa imaanaya xilli mixnado siyaasadeed oo is xigxigay ay goradda lagaleen Farmaajo iyo Kheyre waxaana kamid ahaa mooshin ka dhan ahaa hoggaanka dowladda Federaalka iyo khilaafka maamul goboleedyada.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items