Qarax maanta gelinkii dambe kolonyo katirsan ciidamada Daraawiishta lagula
beegsaday deegaanka Balli Khadar ayaa sababay dhimashada hal askari iyo
dhaawaca Afar kale.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay uu
waxyeello gaarsiiyay gaari Tiknika ah oo ay wateen ciidamada laweeraray oo
kusii jeeday magaalada Boosaaso.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay
Idaacadda Islaamiga Andalus, waa weerarkii ugu horreeyay ee lagu beegsado
maamulka Puntland tan iyo markii uu madaxweyne noqday Saciid Cabdullaahi Dani.
Al Shabaab Oo Weerarkii Ugu Horreeyay Ku Beegsatay Ciidamada Maamulka 'Puntland' sanadda 2019.
Warar ka imaanaya gobolka Bari ee dhaca waqooyi bari Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar hor leh oo khasaara dhaliyay lagu beegsaday ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay Puntland.