Faaf-Faahin:Ciidamo Itoobiyaan Ah oo Lagu Laayay Dagaal Ka Dhacay Degmada Ceelgaras iyo Ciidamada Al Shabaab oo Hub Furtay.

Thursday September 25, 2014 - 11:37:31 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 1
  • Share via Social Media

    Faaf-Faahin:Ciidamo Itoobiyaan Ah oo Lagu Laayay Dagaal Ka Dhacay Degmada Ceelgaras iyo Ciidamada Al Shabaab oo Hub Furtay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen degmada Ceelgaras oo ciidanka gumeysiga Itoobiya ay maalmo hor qabsadeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen degmada Ceelgaras oo ciidanka gumeysiga Itoobiya ay maalmo hor qabsadeen.

Dagaalka oo bilaawday maanta barqadii ayaa yimid kadib markii ciidanka mujaahidiinta ay weerareen saldhigyada ciidamada Itoobiya.

Goob Joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in Meydadka ciidanka Itoobiya ay daadsanyihiin goobaha lagu dagaalamayo waxaana xusid mudan iyo dagaalka ay qeyb ka yihiin dadka deegaanka.

Sarkaal katirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in ciidanka Itoobiya ay Meydad ka carareen islamarkaana mujaahidiintu ay hub ka furteen,wararka ayaa intaasi ku daraya in Xabashida si xun loogu jebiyay macradka waxaana Ceelgaras laga maqlayaa daryanka madaafiic xooggan oo lays dhaafsanayo.


Boqolaal katirsan ciidanka Shabaabul Mujaahidiin oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa kusii qulqulaya goobta dagaalka waxaana lasoo sheegayaa in ciidanka gumeysiga Itoobiya maanta ay lakulmeen khasaara lixaad leh.

Sheekh Xasan Yacquub Cali Waaliga Galguduud oo lahadlay idaacadda Andalus xarunteeda gobollada dhexe ayaa sheegay in askar badan ay ka dileen Itoobiyaanka ayna saacadaha soo socda saxaafadda usoo bandhigi doonaan Meydadka cadawga iyo aqoonsiyadooda.

Diyaarad nuuca dagaalka ah ayaa shalay gelinkii dambe meydad iyo dhaawacyo ka daabushay degmada Ceelgaras waxaana muuqata in dhiigbax aan caadi aheyn uu ku socdo soo duulayaasha Itoobiya.

Lasoco wixii soo kordha

Related Items