Shirkadda Ethiopian Airlines oo sababa Amni uhakisay Duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Soomaaliya.

Tuesday January 22, 2019 - 11:49:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Ethiopian Airlines oo sababa Amni uhakisay Duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Soomaaliya.

    Shirkadda duulimaadyada dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda duulimaadyada dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ethiopian Airlines ayaa sheegtay in tallaabadan ay qaadday kadib markii mid kamida rakaabeeda boorsadiisa laga helay walxaha qarxa oo uu doonayay in uu diyaaradda laraaco.

Ninka watay walxaha qarxa waxaa gacanta ku dhigay saraakiisha caddaanka ah ee deggan xerada Xalane ee duleedka magaalada Muqdisho, shirkadda duulimaadyada Itoobiya ayaa war kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in si KMG ah ay ujoojisay shaqadii ay ka heysay Soomaaliya.

Ethiopian Airlines ayaa bishii Novembar 2018 ku dhawaaqday in ay shaqa ka bilaawday dalka Soomaaliya kadib markii uu Farmaajo booqashooyin is xigxigay ku tagay magaalada Addis Ababa islamarkaana uu Itoobiya usaxiixay in ay isticmaalaan Afar dekadood oo Soomaaliya kuyaal.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items