Trump oo ku dhawaaqay xukunka xaaladda degdegga ah sii uu awood dhaqaale uhelo.

Saturday February 16, 2019 - 10:30:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo ku dhawaaqay xukunka xaaladda degdegga ah sii uu awood dhaqaale uhelo.

    Donalad Trump oo ah madaxweynaha Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in xaalad degdeg ah uu kusoo rogay gobollada Mareykanka ee ku dhow xuduudda wadanka Mexico.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Donalad Trump oo ah madaxweynaha Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in xaalad degdeg ah uu kusoo rogay gobollada Mareykanka ee ku dhow xuduudda wadanka Mexico.


Trump ayaa xalay sheegay in xukunka xaaladda degdegga ah uu u adeegsanayo si uu qarash ugu helo dhismaha darbiga birta ka sameysan ee lagu dhererin doono xuduudda Mexico.

Isagoo hadlayay ayuu sheegay in tallaabaan uu uqaaday si uu uga gudbo caqabadaha uga imaanaya golaha Koongareeska oo iska diiday in ay ansixiyaan lacagaha ballaayiinta dollar ah ee ku baxaya dhismaha derbiga Mexico oo Trump uu dhismihiisa ballan qaaday ka hor intii uusan madaxweyne noqon.

Go'aanka xaaladda degdegga ah lagu geliyay Mareykanka ayaa timid kadib muddo 35 maalmood ah oo ay xirnaayeen shaqooyinka xukuumadda Mareykanka sababa laxiriira khilaafka udhaxeeya xisbiyada siyaasadda Washington

Related Items