Weerar 3 Askari Kenyaan ah lagu dilay oo Ka dhacay deegaan katirsan Gobolka Gedo.

Wednesday February 27, 2019 - 13:06:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 3 Askari Kenyaan ah lagu dilay oo Ka dhacay deegaan katirsan Gobolka Gedo.

    Weerar jidgal ah oo khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda Kenya ayaa markale ka dhacay deegaan katirsan gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar jidgal ah oo khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda Kenya ayaa markale ka dhacay deegaan katirsan gobolka Gedo.


Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar dhabbagal ah oo qaraxyo ay barbar socdeen loo dhigay kolonyo ciidamo Kenyaan ah oo ku socdaalayay wadada xiriirisa deegaannada Faafaxdhuun iyo Girilleey.

Xoogag aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa wadada ugalay ciidamada Kenya, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 3 askari Kenyaan ah ay ku dhinteen weerarka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo iyo rasaas xooggan oo laysdku dhaafsanayay goobta dagaalka, ciidamada Melleteriga Kenya ee weerarka lakulmay ayaa kasoo amba baxay dhanka Girilleey waxayna doonayeen in ay sahay ugeeyaan ciidamada kale ee uga sugan Faafaxdhuun.


Wararka ayaa intaas ku daraya in gaari qeyb ka mid ahaa kolonyada ciidamada Kenya lagu gubay weerarka ka dhacay gobolka Gedo, ma ahan markii ugu horraysay oo weerar ay lakulmayaan ciidamada Kenya ee duullaanka ku jooga Koonfurta Soomaaliya.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items