Q.Midoobe oo Diiday in Uganda ay Magdhaw Kasiiyo Diyaarado Uga Burburay Dalka Kenya.

Monday September 29, 2014 - 11:33:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 10
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Q.Midoobe oo Diiday in Uganda ay Magdhaw Kasiiyo Diyaarado Uga Burburay Dalka Kenya.

    Xukuumadda dabadhilifka Uganda ayaa xaqiijisay in waxa loogu yeero Q.Midoobe ay diiday bixinta lacago magdhaw ah oo ay ka bixiso diyaarado sanado ka hor Uganda ka burburay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda dabadhilifka Uganda ayaa xaqiijisay in waxa loogu yeero Q.Midoobe ay diiday bixinta lacago magdhaw ah oo ay ka bixiso diyaarado sanado ka hor Uganda ka burburay.

Taliyaha ciidanka UPDF-ta Uganda ayaa warbaahinta u sheegay in Q.Midoobe ay si rasmi ah udiiday in lacago malaayiin dollar ah magdhaw ahaan Uganda ka siiso.

Laba diyaaradood oo nuuca helicopter-ka ah ayaa sanaddii 2012-ka melleteriga Uganda uga burburay dhul buuralay ah oo kuyaal wadanka Kenya.

Diyaaradaha burburay waxay kusoo socdeen dalka Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan dagaalka Ashahaadda ladirirka ah ee Ciidanka Afrikaanta AMISOM Soomaaliya ka wadaan.


"Kulan aan laqaadanay Qmidoobay oo ku sabaasanaa in ay magdhow naga siiso khasaarihii nagasoo gaaray helicoptaradii Kenya nooga burburay sanaddii 2012,waxaan weli wadnaa wax walba oo suurtogal ah taasoo aan magdhow ku heli karnoā€¯ayuu yiri Katuma wamala.

Dowladda Uganda ayaa ka sheeganaysa in khasaara xooggan uu kasoo gaaray duullaanka ay kusoo qaadday Soomaaliya sida gaadiid gaashaaman oo laga burburiyay walina wax magdhaw ah kama helin reer galbeedka iyo Q.Midoobe.

Sidoo kale dowladda Uganda waxay sheegtay in Urur gaaleedka Midowga Afrika ay ka codsadeen in waxa loogu yeero beesha caalamka uweydiiyaan lacago magdhaw ah,Q.Midoobe ayaa horay dowladda Uganda ugu ballan qaaday in lasiinayo lacago malaayiin ah haddii diyaarado dagaal ku biiriso duullaanka soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaa dhowr mar ku hanjabay in ciidankiisa uu kala bixi doono Soomaaliya kadib markii ciidanka calooshood u shaqeystayaasha lasiin waayay lacagaha mushaarka ah.

Related Items