Ciidamada Dowladda Oo Ku Hanjabay in ay ka bixi doonaan Magaalada Baraawe Ee Sh/Hoose.

Sunday March 24, 2019 - 20:49:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda Oo Ku Hanjabay in ay ka bixi doonaan Magaalada Baraawe Ee Sh/Hoose.

    Xiisado dhanka ammaanka ah ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Baraawe oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisado dhanka ammaanka ah ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Baraawe oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Boqolaal katirsan maleeshiyaadka dowladda Federaalka ayaa maanta gadood ka sameeyay Baraawe waxayna xireen waddooyinka waaweyn ee magaalada arrinkaas oo saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha.

Saraakiil u hadlay maleeshiyaadka Dowladda ee Baraawe ayaa ku hanjabay in ay faarujin doonaan saldhigyada ay ku leeyihiin magaalada iyo deegaannada hoos yimaad haddii aan lasiin lacago mushaar ah oo ka maqan muddo Afar Bilood ah.

Maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ee ciidamada Uganda ku wehliya duullaanka Sh/Hoose ayaa dhammaantood ka sheeganaya mushaar la'aan waxaana suurtagal ah in ay faarujiyaan degmooyinka iyo deegaannada ay ku suganyihiin.


Arrintan ayaa fadeexad ku ah Farmaajo oo laba sanadood ka hor markii uu utartamayay xilka madaxweynaha dowladda Federaalka ballan qaaday in askari walba uu siin doono mushaar waxaana muuqata in ballanqaadkaas uu ku biiray ballanqaadyo dhowr ah oo waxba kama jiraan noqday.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Sh/dhexe waxay sameeyeen gadood iyagoo wali ka cabanaya mushaar la'aan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items