Video: Farmaajo Oo Ciidamadiisa ku yiri "Waad ka baxdeen Ballantii aheyd in aad 2 sano uga adkaanaysaan Al Shabaab".

Tuesday March 26, 2019 - 11:26:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Farmaajo Oo Ciidamadiisa ku yiri "Waad ka baxdeen Ballantii aheyd in aad 2 sano uga adkaanaysaan Al Shabaab".

    Max'med Cabdullaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa ka jawaabay gadoodka ay sameynayaan ciidamadiisa kuwaas oo ka cabanaya mushaar la'aan iyo duruufo dhanka dhaqaalaha ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Max'med Cabdullaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa ka jawaabay gadoodka ay sameynayaan ciidamadiisa kuwaas oo ka cabanaya mushaar la'aan iyo duruufo dhanka dhaqaalaha ah.

Khudbad uu ka jeediyay xarunta wasaaradda G/dhigga ayuu ku sheegay in ciidamadu ay ku fashilmeen ladagaallanka Alshabaab islamarkaana ay uga baxeen ballamo ay horay ula galeen oo ahaa in muddo 2 sanadood ah ay kusoo afjarayaan awoodda Al Shabaab.

"Is weydiiya labadii sano Shabaab maka xoreyseen dalka, maka xoreyseen, Ma is weydiiseen in aan ballantaas horay u laheyn, anaga dhankeena waa ka soo baxnay, wixii aad u baahneedeen inta karaankeena inaan fulinay, laakiin idinka iguma soo noqon, oo aadan oran waqtiga waa nagu yar yahay, qorshihii aan bedelno, waqti ayaa u baahanahay, waliba waxaa igu darteen rasaas iyo hub ma heysano, taasna waa fuliyay, maantana dhib kama taagnaā€¯ayuu yiri Farmaajo.


Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aad uga walaacsan habacsanaanta heysata ciidamadiisa iyo dardarta ay lasoo baxeen xoogagga Shabaabul Mujaahidiin kuwaas oo kulaalaya magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhow.

Halkan ka degso Khudbadda Farmaajo ama Hoos ka dhageyso


Related Items